Haweenka Dalka Hindiya oo Horkacaya Dibadbaxyo Waaweyn

Tobanaan kun oo haween ah oo ku nool gobolka Galbeedka Bengal ee dalka Hindiya, ayaa socod ku maray habeennimadii Arbacada waddooyinka si ay uga soo horjeedaan kufsiga iyo dilka loo geystay dhakhtarad tababar ku qaadanaysay isbitaal ay dowladdu leedahay oo ku yaal Kolkata toddobaadkii hore.

Mudaharaadyadaan oo si weyn looga dareemay dalka Hindiya ayay haween u badan dhaqaatiir ku dalbanayeen in wax laga qabto sidii arxan darada ahayd ee loo dilay dhaqtaradda 31-jirka ah iyadoona dhacdadaan ay ka dhacday kuliyadda caafimaadka ee RG Kar jimcihii hore.

Dhaqtaradda kufsiga iyo dilka loo geystay ayaa ka soo baxday shaqo dheer oo 36 saacadood ah, daal dheer kadibna waxaa la sheegay in ay seexatay qolka tababarada isbitaalka maadaama aanay jirin goob nasiino loo qoondeeyay.

Subaxdii xigtay ayay asxaabtii ay shaqo wadaaga ahaayeen waxa ay arkeen dhaqtaradda oo qolka dhextaal taas oo aan wax dhar ah u xidhnayn sidoo kalena dhaawacyo iyo jidh dillo ka muuqdaan. Shaqaale si bilaash ah uga howlgalayay isbitaalka ayaa loo xidhay dhacdadaan.

Haweenka dhaqaatiirta ah ayaa qaban qaabiyay dibadbaxyo arinkaan looga soo horjeedo waxa ayna baraha bulshada ku faafiyeen xogta dhibbanaha iyo sida ay uga xun yihiin.

Inkasta oo mudaharaadyadu si nabad ah ku dhaceen, dhanka kale waxaa jirtay isku dhacyo u dhaxeeyay booliiska iyo koox yar oo aan la aqoonsan kuwaas oo gudaha u galay isbitaalka RG Kar, dadkaan ayaana gudaha u galay qeybta gurmadka halkaas oo ah goobta lagu dilay dhaqtaradda.

Booliiska ayaa suntan dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay dibadbaxayaahii gudaha u galay isbitaalka, sidoo kale waxa ay waxyeelo soo gaadhtay qaar kamid ah gaadiidka booliiska.

Magaalooyin kale oo dalka Hindiya ah ayay ka dhaceen dibadbaxyada, waxaana kamid ah Delhi, Hyderabad, Mumbai iyo Pune.

Haweenka magaalada Kolkata, oo wata boorar ay ku qoranyihiin sida adag oo ay uga soo horjeedaan falkaan ayaa socod dheer ku maray goobo badan oo magaalada ah, xalay xilli danbe waxaa la arkayay haweenka oo taleefannadooda leerar ka shiday sidoo kale waxa ay isticmaalayeen shumacyo si ay u iftiinsadaan, mudaharaadka ayaa waxaa ku soo biiray rag isugu jira dhalinyaro iyo odayaal kuwaas oo sita calanka dalka Hindiya.

Mudaharaadayaasha ayaa cod dheer ku dhawaaqayay iyaga oo dhahaya “waxaan rabnaa caddaalad”. Sidoo kale waxa ay qaadayeen heesta calanka iyo heeso wadaniyad ah, iyagoona saqdii dhexe ee ay soo gaadheen dibadbaxyada wallow uu roob ku yimid balse ma aanay joojin waxaana lagu tilmaamay arin wanaagsan.

“Waligeey magaalada kuma aynaan arag wax lamid ah, sidoo kale waxaa layaab ah in dumar ay gaadheen ilaa xilli danbe oo habeenkii ah,” ayuu yidhi mid kamid ah wariyayaasha dalkaas.

Haweeney xilli dambe ku biirtay mudaharaadyada ayaa horay u soo wadatay gabadheeda oo 13-jir ah waxa ayna tidhi: “Ha aragto in mudaharaad balaaran uu wax hagaajin karo, si xaqeeda ay u ogaato”.

Sanchari Mukherjee ayaa sheegtay in iyada iyo kumanaan qof oo kale ay ka soo raaceen boosteejada basaska ee Jadavpur, mana aanay ka niyad jabin roobka.

Waxa ay la kulantay dad yow kala duwan oo bulshada qeybaheeda kala duwan ka kala yimid kuwa taajiriinta ah iyo kuwa faqiiriinta ah.

“Waxaan arkay lamaane da’ ah, ninka oo ka caawinaya xaaskiisa inay socoto,” ayay tidhi.

Cadhada mudaharaadyada ayaa salka ku haysa sida ay maamulka deegaanka u maareeyeen kufsiga iyo dilka loo geystay dhaqtaradda da’da yar. Inkasta oo markii danbe ay booliisku sheegeen an ay shaqaale badan oo isbiytaalka ah u soo xidheen kiiska.

Waxaa jirta eedeymo loo jeediyay booliiska oo ah in ay qariyeen, inkasta oo markii danbe laga wareejiyay, waxaana kiiska gacanta loo galiyay xafiiska dhexe ee baadhista ee federaalka.

Haweenka Kolkata ayaa ku baaqay in ay sii wadaan socdaalka dheer inta laga helayo cadaalad.

Ma ahan kiiskii ugu horeeyay oo kufsi ah kaas oo ay ka mudaharaadeen haweenka dalka Hindiya, waxaa la xasuustaa mar kiis noocaan oo kale ah loo geystay haweeney sanadkii 1978 waxa uuna ka dhacay magaalada Mumbai, iyadoona xiligaas ay dhaceen dibadbaxyo waaweyn.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com