Xukuumadda Talibaan oo soo bandhigay awood military oo la Yaab leh

Xukuumadda Taalibaan ayaa u dabbaal degtay sanadguuradii saddexaad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada xukunka dalka Afqanistaan. Taliban oo maalintan ugu yeertay “Maalinta guusha” waxay ku soo bandhigeen dhoola tuska hubka Maraykanka uu uga tagay Afqaanistaan.

Taliban ayaa beesha caalamka ka codsatay inay qaadaan waddadii ay kula falgelin lahaayeen kooxda ayna xidhiidhiir ula yeelan lahaayeen.

Dhanka kale, kooxaha ka soo horjeeda Taliban ayaa ku tilmaamay maalin madow, waxayna ku baaqeen isu soo baxyo mudaaharaad ah oo ka dhacay magaalooyin kala duwan oo caalamka ah.

Xafladda ugu weyn ayaa lagu qabtay saldhigga Bagram oo ahaa saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka iyo NATO ay ku sugnaayeen labaatan sano ee ay ku sugnaayeen dalka Afgaanistaan.

Dublamaasiyiinta Iran iyo Shiinaha iyo wakiilo ka socda wadamada kale ee gobolka ayaa goob joog ka ahaa xafladan.

Wasaaradda Difaaca ee Taliban ayaa dhoolatus weyn ku sameysay hubka noocyadiisa kala duwan ee Mareykanka iyo qaar ka mid ah hubka Ruushka. Tiro ka mid ah hubkan ayay Taliban dayactirtay saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Waxay Talibaan halkaas ku soo bandhigeen hub isugu jira Taangiyo, diyaarado iyo hubka lidka diyaaradaha.

Waxaa sidoo kale goobta ay ku soo bandhigeen ciidamo kala duwan.

Markii uu Mareykanka ka baxayay afqaanistaan ayaa waxaa uu halkaas uga tagay hub badan oo uu sheegay in qaar badan oo ka mid ah aan la isticmaali karin, balse Taliban ayaa qaar ka mid ah hubkaas dayactiray.

Hafeez Marouf oo ah weriyaha BBC-da oo tagay saldhigga Bagram si uu xafladan uga soo waramo ayaa sheegaya in kumanaan ka tirsan ciidamada Taalibaan iyo dadwayne isugu soo baxay saldhigan si ay u muujiyaan awoodooda ciidan, waxayna soo bandhigeen dhamaan noocyada kala duwan ee hubka fudud iyo kuwa culculus ee ay haystaan ​​kaamaradaha iyo dadka hortooda.

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Taliban ayaa iyaguna khudbad ka jeediyay waxayna ku nuuxnuuxsadeen inay doonayaan inay xidhiidh la yeeshaan caalamka. Abdul Kabir, oo ah ku xigeenka dhanka siyaasadda ee ra’iisul wasaaraha Taliban, ayaa yidhi: “Waxaan dooneynaa xidhiidh wanaagsan oo aan la yeelanno dhammaan dalalka adduunka”.

Sirajuddin Haqqani, oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee Taliban, ayaa sidoo kale yidhi: “Waxaan rabaa in beesha caalamka ay si wanaagsan uga faa’ideysato fursadda wanaagsan oo ay qaataan dariiqa isdhexgalka iyo iskaashiga ee Afgaanistaan.”

Dhaqdhaqaaqayada ka soo horjeeda Taliban: Agoosto 15 waa maalin madow

Xubnaha “Movement of the Powerful Women of Afganistan” ayaa sheegay in xalay oo ay ku beegan tahay saddex sano guuradii ka soo wareegatay markii kooxda “Taliban” ay xukunka la wareegeen, ay mar kale rinji ku sawireen darbiga wadnaha ee magaalada Kabul, iyagoo sameynaya dhaqdhaqaaq dibadbaxyo ah .

Waxay sheegeen in xukuumadda Taalibaan ay haweenka u adeegsato siyaasad ahaan ujeeddooyinkooda siyaasadeed, balse beesha caalamka ay dumarka Afgaanistaan ka aamuseen.

Saddexdii sano ee la soo dhaafay, sida ay sheegeen hay’adaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqul insaanka, xukuumadda Taalibaan waxay soo saartay in ka badan boqol amar iyo farriimo lagu xaddidayo haweenka.

Tiro badan oo ka mid ah dadka u dooda xuquuqul insaanka iyo dadka rayidka ah ayaa sidoo kale sheegay in maalinta berito ah oo ku beegan 15-ka ay mudaaharaad ka dhan ah Taalibaan ay ka dhici doonaan magaalooyin kala duwan oo caalamka ah.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com