Hayadda horumarinta barigga AfriKa ee EAD waxay bulshadda Somaliland ugu baaqaysaa in si deg deg ah oo wadajir ah loogu gurmado dadka dhibaatadu ka soo gaadhay roobabka

 

Sidaย  aynu la socono ย roobabkii dabaylaha watay ee bilawgii todobaadkan ku dhuftay qaybo ka mid ah xeebta iyo goboladda galbeed ee Somaliland waxay dhibaato weyn soo gaadhsiiyeen qaybo badan oo ka mid ah bulshadeena. Ilaa hadda inta la ogyahay waxaa masiibaddaa u geeriyooday dad ka badan 30 ruux, halka qaar kalena la laayahay. Sidaas oo kale waxaaย  ku baro kacay qoysas badan, iyadda oo qaar badan oo kalena ay ku caydhoobeen.

Sidaas darteed, hayadda horumarinta barigga Africa ee EAD waxay ugu baaqaysaa bulshadda bulshadda Somaliland in si deg deg ah oo wadajir ah loogu gurmado dadka dhibaatadu gaadhay.ee ku nool xeebta goboladda Awdal iyo Salal gaar ahaan degmadda Lughaya iyo inta ku teedsan.

Hayadda EAD waxay ku dhiiri galinaysaa, uguna baaqaysaa xukuumadda JSL, hayaddaha samafalka , wadamadda muslimiinta iyo kuwa deeqaha bixiya, ย iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda ย inay dar dar galiyaan hawlaha gurmadka ee loo fidinayo dadka dhibaatadu soo gaadhay. Hayaddu waxay si gaar ah ugu baaqaysaa ganacsatadda iyo qurbajoogtu inay is abaabulaan, si deeqsinimo leh-naย  ugu hagar baxaan taakulaynta iyo caawinta bulshadeenaย  dhibaataysan.

Ugu dambayntii, hayadda EAD waxay ku bogaadinaysaa xukuumadda Somaliland, wadamadda aynu dariska nahay sida deg dega ah ee ay u bilaabeen gurmadka.

Jazaakalaah khayr

Gudidda fulinta EAD UK