Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Khaalid Jaamac Qodax ayaa furay shirka agaasimeyaasha guud..

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Khaalid Jaamac Qodax ayaa furay shirka agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda Somaliland, kaas oo ka qabsoomay xarunta hay’adda shaqaalaha.

Kulankan ayaa mudadii uu socday waxa lagu gorfeeyay nidaamka casriga ah ee shaqaalaha dawladda oo ay hay’adda shaqaalaha dawladdu muddooyinkii u dambeeyay ka shaqaynaysay.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Khaalid Jaamac Qodax, ayaa sheegay in Barnaamijkan casriyaynta shaqaalaha qaranka ay sannadkanba wadeen ka hay’ad ahaan dhismihiisa iyo hirgelintiisa, isaga oo caddeeyay in hirgelintiisu ay hirgeli doonto sannadka foodda innagu soo haya ee 2024-ka.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladdu waxa uu sheegay in kulankan maanta ay Agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha iyo Hay’addaha Qaranka la qaateen yahay mid lagu faaqidi doono macluumaad barnaamijkan casriyeynta shaqaalaha qaranka ku saabsan, sida uu u shaqaynaayo iyo sida looga wada shaqaynaayo hirgelintiisa.

Barnaamijkan casriyeynta shaqaalaha qaranka ayuu sheegay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland in uu la jaan qaadi doono Barnaamijyadda kale ee la casriyeeyey ee dawladdu ay ku shaqayso, iyada oo laga guuri doono habka iminka lagu shaqeeyo.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax waxa uu sheegay in Agaasimeyaashu ay door aad u weyn ku lee yihiin Barnaamijkan casriyeynta shaqaalaha qaranka,kaas oo ah hirgelintiisa.