Gobolka Sanaag ayaa laga dhagax dhigay xarunta Hooyada iyo Dhallaanka ee deegaankaas.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Mudane Axmed Cabdi Muuse, Maayirka degmada Gar’adag, maayir ku xigeenka degmadaas, cuqaal iyo qaar kamid ah qurba joogta deegaanka Tuur Cabdille ayaa dhagax dhigay xarunta Hooyada iyo Dhallaanka ee deegaankaas.

Xaruntan hooyada iyo Dhallaanka ee laga dhagax dhigay deegaanka Tuur Cabdille waxa dhismaheeda hirgelinaaya qaar kamid ah Qurba-joogta deegaankaas.

Bulshada degaanka iyo cuqaasha deegaanka Tuur Cabdille, ayaa Qurbajoogta deegaankaas uga mahadceliyeen dhagax dhigga iyo hirgelinta xarunta Hooyada iyo Dhallaanka.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse, Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Biyaha iyo maamulka degmada Gar’adag ayaa uga mahadceliyey Qurba Joogta deegaanka Tuur Cabdille, gaar ahaanna Marwo Xaawa Aadan Faarax, dhismaha xarunta Hooyada iyo Dhallaanka ee deegaankaas oo ay sheegeen in baahi weyn loo qabay, waxa aannay ballan qaadeen in iyaguna ay waajibkooda ka gudan doonaan, wixii looga baahdona ay dhammaystiri doonaan.