Jaamacada Gollis ayaa munaasibad soo dhaweyna u sameysay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, iyo iyo weftigii ka socday dalka Koonfur Afrika…

Jaamacada Gollis ayaa munaasibad soo dhaweyna u sameysay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, iyo iyo weftigii ka socday dalka Koonfur Afrika ee Somaliland muddooyinkii u dambeeyay ujoogay hawlaha shaqo.

Guddoomiyaha Jaamacadda Gollis Siciid Maxamed Axmed iyo xubno kamid ah maamulka Jaamacadda, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay soo dhaweeyaan, weftigan ka socda dalka Koonfur Afrika oo uu hoggaaminaayo wasiir ku xigeenka wasaaradda shirkaddaha dawladda, waxaaney xuseen in loo baahan yahay in ay wax badan kala bartaan Koonfur Afrika iyo Somaliland, gaar ahaanna dhanka jaamacaddaha iyo aqoonta.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, waxa aannu uga mahadceliyey maamulka jaamacadda Gollis soo dhaweynta weftigan, isaga oo tilmaamay in weftigani ay yimaadeen dalkoodii labaad oo Somaliland ah.

Gaba-gabadii Obidh Baabuluuko oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda shirkaddaha dawladda ee dalka Koonfur Afrika, ahna guddoomiye ku xigeenka arrimaha xidhiidhka caalamiga ah ee xisbiga talada dalka Koonfur Afrika ayaa uga mahadceliyey xukuumadda Somaliland iyo maamulka Jaamacadda Gollis soo dhaweynta ay ku qaabileen.