Hay’adda shaqaalaha ayaa tijaabo qalabka diwaangelinta shaqaalaha ah ku samaysay Gabiley

Hay’adda Shaqaalaha Somaliland ayaa tijaabo qalabka diwaangelinta shaqaalaha ah ku samaysay Gabiley. Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha ayaa qoraal kooban oo uu kaga war bixinayo ku daabacay bartiisa Facebook, waxaanu dhignaa sidan:

Diiwaangelin tijaabo ah “Pilot Registration” oo aanu maanta Gabiley ka samaynay

– Hay’adda shaqaalaha dawladdu waxay subaxnimadii hore ee saaka socdaal shaqo ku gaadhay gobolka Gabiley halkaas oo ay diiwaangelin tijaabo ah ku soo samaysay tiro kamida shaqaalaha dawladda ee gobolkaas ka hawlgala

– Muhiimada safarkan ayaa ahaa sidii tijaabo kaba dambays ah looga qaadi lahaa qalabka iyo shaqaalaha ka hawl-geli doonna shaqadan baaxada iyo balaadhnida badan.

– Wixii cashar iyo cibro nooga soo kordhay waanu qoranay waxaana lagu samayn doonnaa dib-u-eegis iyo kaabis, si aanay xiliga shaqada runta ah socoto u dhicin.

– Waxaan u mahadcelinayaa masuulyiinta gobolka Gabiley kuwaas oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka Gabiley iyo guud ahaanba hawl-wadeenada gobolka oo si wanaagsan hawshan noola qabtay.

-Cilmi-korodhsi, Ceelaalyo iyo Carbis ba kadib, MAANTA WAA DIYAAR HAWSHII LOO HEELANAA Idan Alle.

-Somaliland shaqaalaheedu dhawaan wuxuu geli doonnaa geediga casriyeynta iyo dib-u-curasho ku dhisan cilmi iyo carbis,

#kala hufida halyeeyaga iyo hebedku waa hawsha iyo hiigsiga Hay’adda Shaqaalaha