Hay’adda waddaniga ah ee IRADA ayaa tabobar maamulka xafiisyada ah u furtay 72 dhallinyaro ah

Hay’adda waddaniga ah ee IRADA ayaa 72 dhallinyaro oo gabdho iyo wiilal isugu jira u furtay 72 dhallinyaro ah, tabobarkaas oo lagu haranayo hab-maamulka xafiisyada iyo xirfadaha kor u qaadaya shaqaalenimadaย  iyo shaqo-helista dhallinyarada. Sidaa waxa yidhi Tayasiir Axmed Cumar, Agaasimaha IRADA oo ka hadlay madashii furitaanka oo ku qabsaantayย hoolka tabobarrada ee SONYO.

Madaxda ka qayb-gashay waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha,ย  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Agaasimaha Guud ee Shaqada Sahra Muxumed Xuseen.

Dhammaan madaxdii ka hadashay barnaamijkan waxay IRADA ku ammaaneen tabobarkan waxayna ku dhiirigeliyeen in ay sii wadaan in ay dhallinyarada ka caawiyaan sidii ay shaqo u heli lahaayeen ama u heli lahaayeen xirfado shaqo ay ku heli karaan.

Hoos ka daawo muuqaalka furitaankii tabobarka.

https://www.youtube.com/watch?v=A4kptHQfHM4