Wax ka baro maqaaxida wareegta ee Dhako-Jabiye

Ma tahay qof dhallinyaro oo shaqo la’aani hayso ama ka cabanaya shaqo la’aan. Waxa laga yaabaa in aanay shaqo la’aani ku hayn laakiin curis la’aani ku hayso oo aad u baahan tahay in aad maskaxda ka shaqaysiiso si aad adigu shaqo u abuurto.

Xuseen Ibraahim Guuleed waa wiil da’yar oo qurbe-joog ah oo ka yimid Maraykanka. Wuxu Somaliland  ugu soo noqday si uu shaqo u abuurto isla markaana dhallinyarada u noqdo qof ay ku daydaan si ay iyagu shaqo u abuurtaan intii ay cid kale shaqo ka sugi lahaayeen.

Xuseen wuxu dhabarka ku qaataa haan shaah ah, wuxuuna ku iibiyaa suuqyada Hargeysa isagoo wareegaya, wuxuuna haystaa suuq wanaagsan. Wuxu sheegay  in markii hore ganacsigiisu uu kaligii ku bilaabmay, maantana ilaa afar qof oo kale kala shaqeeyaan. Dhammaantood waxay wareegaan suuqyada Hargeysa iyagoo dadka shaah ka iibinaya.

Telefishanka Star ayaa barnaamijkiisa “Hal-abuurka Hirgalay” ku soo qaatay makhaayadda wareegta ee Dhako-Jebiyo. Hoos ka daawo barnaamijka.