Heshiis hor leh oo ay kala saxeexdeen Somaliland Iyo Imaaraadka Carabtu

Madaxweynaha Somaliland iyo wasiirradii kula sugnaa Imaaraadka Carabta ayaa heshiis la saxeexay sida ku dhigan war-saxaafadeedkan hoose oo ay madaxtooyada Somaliland mar dhawayd oo duhurkii dabadii ah baahisay.

Qodobada heshiiskan ku jira waxa ka mid ah Mashruucii Berbera Corridor oo heshiisyo horena la sheegay in uu ku jiray.

War-saxaafadeed

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Imaaraadka carabta oo kale saxeexday heshiiska taariikhi ah oo lagu fulin doono mashaariic horumarineed oo ay  Somaliland ka fullindoonto dawladda Imaaraadka carabtu qaybo ka mida Somaliland.

Mashaariicdaasi oo ay ka mid yihiin waddada marinka ganacsi ee isku  xidhi doonta Magaalo marseedka Berbera iyo Dalka Itoobiya (Berbera Corridor) iyo dhismaha madaar cusub oo ay yeelan doonto caasimada gobolka saaxil ee berbera.

Heshiiskan ayaa noqon doona mid  wax weyn ka tari doona kaabayasha dhaqaale  ee Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana kor u qaadidoona isticmaalka dekadda Berbera iyo ganacsiga soo jireenka ah eek a dhexeeya labada dawladood ee Itoobiya iyo Somaliland, sidoo kalena hor seedi doona shaqo abuur.

Waxaana heshiiskan Somaliland u saxeexay wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, iyadoo ay goob joog ahaayeen dhamaan wasiiradii hawlaha shaqo u joogay maalmahan halkaas.

Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

Naasir Yuusuf Daahir 

Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada JSL

Hargeisa – Republic of Somaliland

Email: naska2007@hotmail.com

nasirnaska77@gmail.com

Tell: 63-4423774

https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl

http://www.somalilandnation.net/