Hillary Clinton waxay ka hadashay guuldarradeedii ku dhacday sannadkii hore

 

Wareysigeedii ugu horeeyey ee ay bixisay tan iyo markii looga adkaaday doorashadii madaxweynaha Maraykanka ee 2016, ayaa Hillary Clinton waxay ku qaadatay masโ€™uuliyadda guul-darradii ku dhacday.

Hase yeeshee Clinton ayaa u sheegtay Christine Amanpour oo ku wareysatay magaalada New York in sidoo kale ay ku eedeyneyso Ruushka iyo agaasimaha FBI-da James Comey in ay ka caawiyeen Donald Trump in uu guuleysto.

Clinton ayaa sheegtay in haddii doorashada la qaban lahaa 27-ka October ay maanta ahaan lahayd madaxweynaha Maraykanka, iyadoo arrintaasi ka hadlaysana waxay tidhi:

โ€œWaxaan ku socday in aan guuleysto illaa ay soo baxday warqaddii James Comey 28-kii October, islamarkaana sirta WikiLeaks ee Ruushku ay shaki gelisay dadweynaha, ayna ka cabsadeen in ay ii codeeyaan.โ€

Clinton ayaa ku horeysay codadka raโ€™yiga ee doorashada ka hor, illaaa intii uu agaasimaha FBI-da James Comey shaaca ka qaaday in uu dib u furayo baadhitaanka la xidhiidha isticmaalka Clinton ee emailada shaqsiyeed markii ay ahayd xoghahaya arrimaha dibedda Maraykanka.

bandhige@gmail.com