Hogaankii nabadgelyada ee dawlad deegaanka Soomaalida oo xilkii laga qaaday iyo xaalada siyaasadeed ee deegaanka oo kacsan

Madaxweynaha dawlada deegaanka Somalida mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa maanta xilkii ka xayuubiyay masuuliyiin dhawr ah oo uu ugu horeeyo hogaankii nabadgelyada ee deegaanka Cabdi caadil.

Wararka naga soo gaadhaya caasimada Dawlad deegaanka Somalida ee Jigiiga ayaa waxa ay sheegayaan in hogaanka xilka laga qaaday laga qaaday ilaaladiisa gaarka isla markaana guriga uu ka daganyahay ay la wareegeen ciidamada Liyuu Booliiska.

Waxaa xilka hogaanka si kumeel gaadh ah loogu dhiibay Mudane Cabdilaahi Maxamed (Cabdillaahi dheere) oo ahaa hogaan ku-xigeenka deegaanka.

Kulankii golaha wasiiradda ee DDS waxaa xilkii looga qaaday:

1. Cabdi Xakiin Cigaal _ Madixii xarunta dhexe Ee Xisbigga.

2. Guleed Aw-cali wasiirkii warfaafinta DDS.

3. Cabdi Xukun Cali Dubad oo ahaa madixii Machadka farsamada ee DDS.

4. Cabdi Bile madaxii shirkada yar yar ee DDS.

 

Illaa hada lama oga sababta dhabta ah ee xilka looga qaaday hogaankii hore Cabdi Caadil iyo xubnaha kale laakiin waxaa loo aanaynaa inay la safnaayeen gudoomiyaha xisbiga talada haya Axmed Shide.