Hoggaamiyaha mucaaridka Suudaan ayaa waxa uu sheegay in uu ku laabanayo dalkiisii

Hoggaamiyaha mucaaridka Suudaanta Koonfureed, Riek Machar, oo hadda ka soo muuqday Koonfur Afrika, ayaa sheegay in sumcadiisa sideedii hore tahay.

Caasimadda Juba ayaa waxa bishii Julaay ka dhacay dagaal culus, kaasoo meesha ka saaray heshiiskii nabadeed ee lagu soo afjaray colaadda labada sanno dalkaasi ka socotay.

Machar ayaa beeniyay in uu ku baaqay sii hurinta colaadda dalkiisa.

Hadalkiisan ayaa imaanaya saddex bilood kadib, markii uu u baxsaday dhanka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aanu dhaawac qabin oo ay xaaladiisa caafimaad wanaagsan tahay.

Wuxuu intaas raaciyay, in kala badh dalka ay maamulaan ciidammadiisa mucaaridka ee qowmiyadda Nuer-ka.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Suudaanta Koonfureed Riek Machar, wuxuu hadda beeninayaan in uu dalka ugu noqonayo si uu dagaal ka dhan ah dawladda u billaabo.

Dagaal u dhexeeyay qowmiyadda Machar ee Nuer iyo qabiilka madaxweyne Salva Kiir ayaa kala qeybiyay dalkaasi.

Waxaa colaadahaasi ku barakacay in ka badan laba milyan oo qof oo ka cararay rabshadaha.

Balse, Riek Machar waxa uu diiday in uu horay ugu baaqay in dagaalka la sii huriyo.

Wuxuu ku sheegay, wareysiga uu BBC-da siiyay, in haddii madaxweyne Salva Kiir uu muujiyo daacadnimo in uu diyaar u yahay in wadahadallada dib loo bilaabo.

bandhige@gmail.com