Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay iska horimaad xalay ka dhacay magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, Kiiniya sidaasna waxa warbaahinta u xaqiijiyey dad goob-joogayaal ah.
Iska horimaadka ayaa dhacay kadib markii maleeshiyo loo malaynayo in ay ka tirsan yihiin al-Shabab oo wata mootooyin ay rasaas isweysaarsadeen ciidamada amniga Kiiniya.
Qofka dhintay ayaa ahaa nin waardiye ka ah dugsi lagu magacaabo Al-Qalam oo ka mid ah dugsiyada aasaasiga ah ee magaalada.
Maleeshiyada weerarka soo qaadday ayaa la sheegay in ay sidoo kale tuureen bambooyinka gacanta, waxayna goor dambe u carareenn dhinaca xadka Soomaaliyaa, sida ay sheegayaan dadka degaanka.