Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Xasan ayaa waxa warbixin taban ka qortay wargeyska The Indican Ocean

Wargeyska caanka ah ee The Indian Ocean oo ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa todobaadkan warbixin xiiso badan ka qoray ku biiriddii Wasiirkii hore Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ku biiray xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Wargeyska ayaa Jimcihii dhawaa oo ku beegnayd 14-ka bishan bartii internetka ku baahiyey saamaynta taban ee Xirsi ku keeni karo xisbiga Waddani.Warbixintan oo Hubaal af-Soomaali usoo turjumay ayaa u dhignayd sidan:

“Kaddib isku-daygii inqilaab ee bishii Oktoobar 2015-kii, Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Soomaaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa mar keliya ka soo dhex mudhay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani isla markaana ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaalilaan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa Xirsi u xushay inuu ahaado Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani 5tii bishan. Walaacyada laga muujiyay Xirsi ayaan ahayn qaar sii jiitamay ba –  dawladda Itoobiya ayaa markiiba walaac ka muujisay Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaana iyana meesha ka maqnayn, isla markaana si dhow ula socda dhaqdhaqaaqiisa, Sirdoonka Maraykanka iyo Itoobiya, sababtoo ah waxa uu ku lug lahaa Urur diimeed laga sameeyay Burco sannadkii 2008-dii.” 

Halkan hoose ka akhriso links war-bixinta The Indian Ocean qortay:

Hersi Ali Haji Hassan, an Islamist in the Wadani party

bandhige@gmail.com