Doorashooyinka DRC oo dib loo dhigay

Isbahaysiga talada haya iyo qaar ka mid ah axsaabta mucaaridka ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, ayaa ku heshiiyay in doorashooyinka dalkaasi dib loo dhigo ilaa bisha Abril 2018.

Doorashooyinka ayaa lagu waday in ay dhacaan bisha soo socota.

Xisbiga ugu weyn mucaaridka dalkaasi ayaan ka qeyb qaadan wada-xaajoodka dib-u-dhigista doorashooyinkaasi.

Xisbigaasi ayaa ku baaqay in taageerayaasha ay dibed-baxyo sameeyaan maalinta ber ah oo Arbaca ah.

Tobannaan qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhashay dib-u-dhac ku yimid doorashooyinka dalkaasi, waxaana mucaaridku ay ku doodayaan in madaxweyne Joseph Kabila uu doonayo in uu xilka sii hayo.

Midowga Yurub ayaa ku hanjabay in uu cuna-qabateyn saari doono Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, haddii ay dib u dhacaan doorashooyinka dalkaasi.

bandhige@gmail.com