Ruushku waxa uu sheegay in muddo 8 saacadood ah hakin doonno duqeynta Xalab maalinta khamiista

Ruushka ayaa sheegay in uu muddo 8 saacadood ah hakin doono duqeynta uu ku hayo Xalab, marka la gaadho maalinta Khamiista ah.

Sergei Rudskoi oo ka tirsan taliyayaasha ciidanka Ruushka, ayaa sheegay in dalkiisa iyo xukuumadda Suuriya ay xabbada joojin doonaan si ay shacabka uga baxaan magaalada, isla markaana gargaar caafimaad loo gaadhsiiyo.

Wasiiradda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub ayaa si weyn u dhaliilay Ruushka, oo ay ku tilmaameen mid silic badan marsiiyay shacabka Xalab.

War qoraal ah oo ay wasiiraddaasi kasoo saareen ka dib kulan ay ku yeesheen Luxembourg, ayaa waxa ay ku sheegeen in awood xad dhaaf ah uu Ruushka u adeegsaday duqeymaha uu ka wado Xalab.

Sidoo kale Maraykanka ayaa waxa uu xaalada Suuriya kala shiray waddamo ka tirsan Midowga Yurub oo ka rabo in ay isaga taageeraan.

bandhige@gmail.com