Hoggaamiyeyaal dhinaca diinta ah oo Marooko maxkamad la soo taagay kadib markii la arkay iyagoo xeeliga badda u wada jiifa sidii dadka is qaba

 

Muulay Cumar Bin Xamad (63 jir) iyo Faadumo Nejaar (62 jir) ayaa la sawiray iga oo xeeliga badda u jiifa sidii lammaane is qaba oo kale. Sawirku muu kala caddayn in ay galmo samaynayeen iyo in kale laakiin wuxu sababay in maxkamad lagu soo taago.

Muulay iyo Faadumo ayaa labaduba waxay madaxweyne-xigeen ka yihiin garabka caddaaladda ee xisbiga talada haya ee Xibiga Caddaaladda iyo Horumarinta.

Sawirkani wuxu ka xanaajiyey taageereyaasha xisbiga kuwaas oo sheegay in wada-jiifkooda xeeliga baddu uu ahaa gogol-dhaaf.

Hase ahaatee haweenayda uu qabo Muulay Cumar ayaa diidday in ay maxkamad ku soo oogto saygeeda iyadoo sheegtay in aanay caddayn sugan u hayn wixii meesha ka socday markii sawirka la qaaday.

Faadumo Nejaar oo ah hooyo laga dhintay oo lix carruur ah leh iyo Muulay Cumar haddii gogol-dhaaf lagu helo waxay waajihi doonaan hadhig u dhaxeeya bil ilaa 12 bilood sida uu dhigayo sharciga Marooko.

Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta ayaa markiiba shaqada ka joojiyey labadooda isaga oo eeddaas iska fogeeyey isla markaana tibaaxay in ay ka war-sugayaan waxa ka soo baxa baadhitaannada.

Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta ayaa ku suntan in uu yahay xisbi dhinaca diinta u janjeedha walow uu ku caan-baxay xakamayn la’aanta musuqmaasuqa. Lagama filayn laba qof oo hoggaamiyeyaashiisa ka mid ah in sawir caynkan ah laga soo heli doono.

Sawirrada la qaaday ayaan weli bulshada toos loogu baahin laakiin waxa loo gudbiyey maxkamadda, taas oo uu hadda kiis uga furmay.

Il-wareed: Aljazeera

Bandhige News

bandhige@gmail.com