Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka John Kerry iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Surgey Lavrov ayaa qarka u saaran in ay heshiis ka gaadhaan sidii xal waara loogu heli lahaa qaddiyadda Suuriya.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa sheegay in heshiiska saxeexa lagu duugi doono maalmaha soo socda.
“Mabaadii’dii waaweynayd waanu isla meel dhignay, laakiin waxa noo hadhay in meelaha qaar aan hoos ugu daadegno, taasna maalmo gudahood ayaanu ku dhammaynaynaa” ayuu yidhi Kerry.
Wada-xaajoodka heshiiskan ayaa la sheegay in aanu ka mid ahayn waxa laga yeelayo mustaqbalka Bashar Al Assad taas oo ah wixii ay mucaaridku dalbanayeen, hase yeeshee waxa la sheegay in heshiisku uu fursad siinayo sidii looga gorgortami lahaa waxa uu noqonayo mustaqbalka siyaasadeed ee suuriya.
Maalmahan soo socda sida la sheegay waxa kulmi doona saraakiil dhinaca amniga iyo sirdoonka ah oo Ruushka iyo Maraykanka ah waxayna go’aamin doonaan jabhadaha lala shaqayn karo iyo kuwa aan lala shaqayn karin.
Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya maalmo uun ka dib markii ay xukuumadda Suuriya mucaaradkeeda kaga adkaaday magaalada Darca.
Labadan quwadood ee Maraykanka iyo Ruushka ayaa muddo aad u dheer ku kala duwanaa xalka Suuriya iyagoo labadu dagaal ba’an ka dhex waday dalkaas isla markaana kala taageerayey dhinacaydada kala duwan iyadoo uu Ruushku mar walba la safnaa Suuriya. Lama garanayo labada dhinac ka soo dabcay wakhtigan.
Bandhige News
Bandhige@gmail.com