Hooyo 80 jir ah oo baaq cabasho ah u dirtay Madaxweyne Siilaanyo

Aniga oo ah hooyo waayeel ah oo reer Somaliland ah magacayguna yahay Caasha Xuseen Maxamed (Caasho-Ilkacas], waxaan Madaxweynaha Somaliland ku salaamayaa salaanta Islaamka midda ugu qaalisan.

Bacda salaam, Md. Madaxweyne waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa cabasho la xidhiidha hantidii deegaanka ii ahayd ee taliskii Faqashtu iga qaaday iyaga oo yidhi waxa laga dhigay Xarunta Boosta oo ku taalla xaafadda Jameeco-weyn.

Md. Madaxweyne dhul badan oo ceelal leh, oo beero leh, oo dhismayaal badan leh, ayaa loo celiyey dadkii hore u lahaan jiray, anigase in la ii celiyo waxa hor taagan Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif iyo nin kale oo uu isagu wato iyaga oo u shuraakoobay dhulkayga.

Waxa uu igu yidhi (Wasiirku) dhulkan iyo dhismeyaasha ka dhisaniba waa hanta dawladeed waanan kireeyey, isaga oo ka kireeyey ninkii uu watay. Markii aan idhi maxaad dhulkii iiga qaaday oo nin aan shaqo ku lahayn ku siisay-na, wuxu iigu jawaabay ‘ninka aan doono ayaan siinayaa’.

Haddii cid laga kiraynayo anigaa xaq u leh oo hantidaydii ka dhisan tahay, gurigayga iyo boostu waa isku gidaar illaa immikana sharcigeedii waan haystaa. Wasiirka hawlaha guud ergo badan oo dawlad leh, salaadiin leh oo shacbi lehba waan u diray. Dhammaantood waa uu soo diiday. Ergaduna waxa ay ku salaysnayd in aniga iyo dawladda aanay cidi u dhaxayn ilayn lama arag nin xaqiisii dawladdu ka qaaddo oo ay nin kale ka kirayso’e.

Markuu Wasiirka Hawlaha Guud na diiday waxaanu nimi Madaxtooyada, waxaanan u tegey Wasiir Xirsi (Illaahay khayr ha siiyo, waa nin caddaali ah). Waxaan u sheegay Wasiirka Hawlaha Guud aan ka codsaday in haddii dawladu kiraynayso meesha aniga layga kireeyo, Wasiirkuna  uu diiday arrintaa.

Markaa Md. Madaxweyne waxaad tahay nin caddaali ah oo cidii la dulmiyayo iyo inta jilicsanba u hiiliya, waxaanan kaa codsanayaa in  Cabdirisaaq Khaliif oo ah nin aan dal iyo dad u  tudhayn aad iga qabato.

Allaa Mahad leh

 

Xigasho: Hubaal Media