Gorfeyn: Hal Ka Haleel (W.Q. Mukhtaar Xasan Maydhane)

Suugaantu, tix iyo tiraabba, waxay magan u tahay quruxda iyo qiimaha lagu abyo oo labaduba ah sooryada suugaan-yahanka oo dhinac ah iyo dhan kale oo ah weelka dhegaystaha iyo dhugashadiisa. Suugaanta cuddooni waa mid la socota, aan se la joogsan, xilligeeda. Waa daahrogga dhabta ku dahsoon dhalanteedka joogtada iyo joogtaynta qulqulatada nolosha. Wa ta hore ta inagu keenta, waa halkii Alle u naxariisaygii Bare Gaarriye’e, “af-kala-qaad,” iyo Allaw run badanaa! Ta dambena, waa sababta aan u moodno inuu suugaan-yahanku u sharxayey joogtadeena isagoon inala noolaan si ka fiican sida aynu inagu u sharxi karno; mararka qaarna, si ka quman sidii tii uu u joogay.

Siday doonto ha ahaatee, suugaantu dhegaystaha ayey qiimo ku leedahay. Waa halkii Cali Sugule, “Dadkaa geesi lagu yahay.” Suugaan-yahanku isagoo irkanaya abuurka dadku ugu heelan yihiin quruxda iyo qaayaha runta ayuu uga dhigayaa suugaantiisa cadceed soo baxday sacab laguma dabooli karo.

Sidaasaa qofku fandhaalkiisa u darsadaa soor-suugaaneedka. Sida soorta, dheefshiidku wuxuu ku xidhan yahay, marka soorta laga yimaado, waa kartida dheefshiid ee dhegaystaha. Sida curiyeyaasha qaar ugu adag yihiin jidhka inuu dheefshiido la’aanta curiyeyaal kale ayaa suugaantuna kuugu marganaysaa haddii qofku aanu lahayn dhugashadeeda, ka warqabin dhacdadeeda, ama ereyadu ka dhaadhici karin.

Yeelkadeede, sidaasaan ku abbaarnaa suugaanta; sidaas si la mid ahna waxaan ku abbaaray buugga Hal Ka Haleel: Sooyaalka Hadraawi iyo Suugaantiisa ee uu qoray Maxamed Baashe X. Xasan kaasoo baxay 2004tii. Si aynu qoraaga iyo abwaanka u kala saarno labadooda magac ee wada Maxamed ah, ayaan abwaanka u adeegsanaynaa naanaysta lagu garan ogyahay iyadoon milgihiisa iyo maamuuskiisa midna wiiqayn.

Suugaanta Hadraawi oo gedeheedu maanta dhereran yahay in ka badan afartan gu’, waa suugaan baaxad weyn oo ka kala rogmanaysa arrimaha bulshada, damiirka xalan, siyaasadda, jacaylka, arrimaha qoyska, hooyada, iyo qaar kale oo badan. Waa suugaan adeegsata qalabyada kala duwan ee xambaara haddana gudbiya aragtiyaha cariya marna camira caqliga aadamiga.

Guud ahaan, buugu wuxuu u kala qaybsan yahay laba waaxood oo muhiim. Qaybta hore waa noloshii hore ee abwaanka ilaa laga soo gaadho 1991kii oo wixii ka dambeeyey, waa qaybta labaad’e, qoraagu inoo muujinayo isbeddel weyn oo ku dhacay suugaanta abwaanka, halkaasoo uu ugu magac daray “Maansada Run Ku Sii Durugga Ah.”

Maxamed wuxuu ina barayaa sida Hadraawi noloshiisu ku bilaabantay, isagoo dhashay 1943kiii, iyo sida suugaantu ula ambaqaaday noloshiisa isagoo shan jir ku tiriyey ereyo isku toosan oo tix ah.

Hadraawi waxa loo geeyey adeerkii oo Cadan degan isagoo yar halkaasoo barashada Quraanka iyo dugsigaba uu ka bilaabay isagoo kala soo hoyday sannadkii 1967kii, oo xiisadaha ka taagnaa Yemen ay dad badani kaga soo baxeen, aqoontii dugsiga, suugaan raadqaad ah, iyo naanaysta maanta loo wada yaqaan. Suugaantaas hanaqaadkeeda iyo hirgeliddteeduba waxay sugayeen dalkii hooyo.

Hadraawi wuxuu u yimid dal dawladnimo cusub ka dhacsaday gumaystihii oo dareen gobonimo saaqay – mid la mid ah dareenka ka jirey waayadaas dawlado badan oo qaarada Afrika ku yaal. Halkaas, dalkaas iyo duruufahaas, ayaa suugaantii iyo shaqsiyadii Hadraawi ku wada korayeen, isaguna ku wada korinayey dalkii iyo dareenkii wadaniyadeed, abwaanimo iyo shaqsiyadeedba.

Labadu, Hadraawi iyo dawladdii keligii-taliska ku dhisnayd ee ku dul dhalatay soo guryo-noqoshadiisii kadib, waxay u kala koreen laba doc oo bohosha dhexdooda ka samaysantay inay sii korodho mooyee aanay isku soo dhawaan ilaa ay dagaal hubaysan iskaga horyimaadeen. Dalkii iyo dawladdii waxay ku dumeen faro-dhexdood. Inkastoo dhaawaca iyo laxawga gaadhay bulshada uu la qabo, Hadraawi naftiisa iyo suugaantiisuba way ka badbaadeen burburkii dhacay.

Intaas waxa dhextaal u ahaa falgalka iyo iscaabiga joogtada ah ee Hadraawi, dawladda iyo bulshada isagoo abwaanku u guntaday in aanu ka daalin gar ku gooha uu ku hayey dawladda isagoon haddana hilmaamin daryeelka baahiyaha ka ballaadhan dawladnimada ee bulshadu qabto. Waa tani dambe gaar ahaan halka ay ka unkamayso suugaan badan oo jacayl leh, xishood iyo sarriig leh oo aan siyaasadda shaqo ku lahayn oo abwaanku tiriyey (tusaaleyaasha waxa ka mid noqon kara Hal iyo Halkii, Annuunbaa Hooyadaa Ah, Sirta Nolosha iyo qaar kale).

Suugaanta abwaanku waxay la tisqaadaa waayihiisa isagoo waaba warkiisa iyo waxa laga weelayn karo kasoo warinaya. Haddana waa suugaan ku taxan anshax, diin, iyo dhaqan duug ah. Waayahaasi halkii ay marka hore ka tuseen bu’da dhibtu inay maamulka tahay waxay ka tusayaan marka uu ku biiro dhaqdhaqaaqii lidka ku ahaa keligii-taliska in ka uu diidey iyo ka uu ka doorbideyba aanay kala duwanayn. Waxa u muuqanaya in labada ku dul dagaalamaya bulshadu ay yihiin kuwo hebelo uun ku kala gedisan ee aragtidu midaysay:

  • “Garanwaayey doogtiyo
  • Halka xaalku deridiyo
  • Isha daban ka leeyahay
  • Doon-doonay oo helay
  • Waxa laysku dilayaa
  • In xumaa la doorshiyo
  • Xil-daryeeliddiisiyo
  • Dad-u-hiilin maahee
  • Geenyada dakaanka ah
  • Anna aan dul buuxshoo
  • Dala’sado kolkaygoo
  • Daadka aan ku dhaafee
  • Iiga soo deg weeyaan.” (b. 110)

Waa buugga intaaba si toos ah iyo si dadban aad uga kala heli kartid. Waxaad xulaysaa waayaha nololeed ee shaqsiyad aad ula falgashay bulshada, noloshii ku soo beegantayna suugaan cuddoon ku cabirtay. Adoon ka geyoon buugga, kana geyoon nolosha Hadraawi iyo suugaantiisa toona ayuunbaad isku arkaysaa bogga ugu dambeeya ee 304aad.

Si kastooy tahay, haddana waa inaan meel uga xaadhno buuggan dhaxalka ummadeed isla markaana hoos ugu degno waxa laga korodhsan karo, waxa uu ka gaabiyey, iyo halka uu kaga jiro galalka suugaanta iyo taariikh-nololeedyada haldooradeena laga qoro.

Haleel

Waxa Maxamed ugu dooray magaca Hal Ka Haleel isagoo aqoonsan in aan halkani buug lagaga geyoon karin maaxda Hadraawi iyo shaqsiyadiisa toona, laakiinse buuggu yahay uun hal laga haleelay oo halal badan tawan. Aqoonsigaasi waa u lama huraan dedaalada laga yaabo kuwo kale inay u wadaan sidii loo weelayn lahaa wixii aan dhaxalnay. Waa martiqaad inteena abwaankaas iyo haldooradeena kaleba aqoon u lihi in aynaan uga maagin dareen ina muquuniya oo ina tusaya sidaynaan uga geyoon karin.

Sidaasuu inagu barayaa abwaanka, duruufihii hantaaqay, suugaantiisa hoorshay, isagoo inagu jalaya hawraar quruxdeeda iyaduna leh. Hawshan waxa qoraaga u fududeeyey abwaanka laftiisa oo qoraagu inoogu sheegay shaqsiyadiisa sidan: “Fal-dhaca hab dhaqanka qofnimo ee Hadraawi iyo ujeeddada ama nuxurka erey maanseedkiisu waa laba isir oo xaqiiqdii is ceshada, isu dhigma oo runtii isugu sidkan sida hal iyo nirigteed ama isugu ladhan sida ul iyo diirkeed oo aan la kala saafi karin… Qawlka uu leeyahay waxa ka muuqda isaga laftiisii (Hadraawi) iyo dhaqankiisa.” (b. 161)

Quruxda tixda iyo tiraabta buuggani waxay aad u ifaysaa markaad marayso cutubka uu kaga hadlayo Hal iyo Halkiis (b. 212). Bal eeg intan hoose ee aan kasoo xigtay:

“Tixdani waxay ka kooban tahay 99 beyd oo foolaadkoodu yahay erey keliya. Waxay maansadu bilowga ilaa dhammaadka ku socotaa oo beyd kasta dhex-roor ama udub-dhexaad u ah ereyga ‘HAL’, ereygaas oo marba macne gaar ah xambaaraya… Waxa kale ee taasi ka markhaati kacaysaa qaninimada af-soomaaliga laftiisa, waxana Hadraawi iftiiminayaa sida uu ugu soo tibaaxay maansadiisa Af-ku-siran in xeeldheerida aanu qofku iska lahayn ee noloshu leedahay; afku leeyahay, qofkuna maaha af-tahan ee noloshaa leh af-tahannimada, waayo (buu yidhi) waxa wax laga bartaa waa nolosha, aqoonteenna iyo waayo-aragnimadeenuna iyada ayey kasoo jeedaan.”

Ugu dambeyn, Maxamed wuxuu isku dayey inuu soo dhaweeyo abla-ablaynta suugaanta abwaanka isagoo ku tolay balaadhinta aragtiyeed ee abwaanka waayuhu ku dirqiyeen. Waxa abwaanku marka dambe aqoonsaday in cadawgu aanu ahayn qofka ee uu yahay aragtiyaha dulmiga iyo gardarada.

Haleel Waa

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, “Nin habari dhashay, hal ma seegi weydo.” Ujeedada halkan aynu ka leenahay ma aha naadinta wixii walaalkeen seegay si aan u muujino gol-daloolooyinkiisa. Lidkeed’e, waa in gol-daloolooyinka aynu uga faa’iideysano hawlgal kasta oo kani ka dambeeya inuu gufeeyo. Waxa la is odhan karaa waa inta uu buuggan laftiisu magaca si dadban ugu aqoonsaday: waa halalka la haleeli waayey.

Sida qoraagu u aqoonsaday jiritaanka wax laga haleeli waayey shaqsiyaddaas iyo suugaantiisa ayaan aniguna u aqoonsanayaa in kartidayda suugaan-dhaadhinimo ayna u ahayn mid lagu kaaftoomi karo, ugu yaraan maanta ahaan. Inkastoo buugga lagu dhaliili karo sida aanu u lafo-gurin godadka maansada iyo sida uu ugu kala doorayey abwaanku kolba wixii uu ka maansoonayo, siday u bilaysay, haddana anigu ma ihi kii arrimahaas akhriste ka haqabtiri lahaa. In la igu dhaamo waxa si qurxoon uga yidhi Ibraahin Yuusuf Axmed (Ibraahin-Hawd)oo soo bandhigaya maansooyin aad dhadhasanto iyo fallanqayn su’aalo wataba 1.

Inkastoo hawraarta buuggu ku qoran yahay qurux badan tahay, haddana waxa lala kulmayaa ereyo adag oo akhristeyaal badan u baahanayaan inay la beegsadaan qaamuus ama qof waayeel ah. Xadidnaanta qaamuusyada qoran ee la baahshay iyo weliba inta haysata oo sidoo kale xadidani waa dhuti ku jira akhris kasta oo af-Soomaali ku qoran oo ereyo adag. Haddana, marka waayeel afka sidaas u yaqaan iyo buugga aan isla meel lagu wada helaynin, waa arrin kale oo caajis ku abuuri karta akhriste hammuun qabay.

Haleel waa-ga ugu weyn ee buuggu waa mid kasoo baxaya sida buuggu ugu koobay noloshii Hadraawi suugaantiisa. Waa mare, qoraagu ina lama wadaagin cidda saamaysay, waa haddii ay jirto’e, aragtiyaha Hadraawi. Waxaan ognahay in Hadraawi afaf kalena yaqaan, dalal kale kusoo noolaaday, qaab nololeedo kala duwan soo arkay. Siday u kala saameeyeense, nasiib darro, war kama hayno. Mar labaadka, buuggu inagama haqabtirayo duruufihii ku gedaannaa Socdaalkii Nabadda ee Hadraawi oo siyaalo kala duwan looga kala arkay degelkeena. Waxase ugu sii daran in buuggu aanu meelna haba yaraatee kusoo qaadin sida qabiilka iyo qabyaaladdu u saameeyeen Hadraawi. Weydiimo badan ayaa halkaas ka imanaya: Xataa haddii uu isagu naftiisa ka dhawray, ma cid kasta oo la dhaqantay ayaa ka dhawrtay? Ma qabiil dartii ayuu kaga doortay SNM SDF? Ma loo qaatay Hadraawi, xataa haddii aanu ku dooran sidaas, inuu qabiil ku raacay?

Dhalliilahan nolosha ku soo koobay suugaantu waxay ka dhigayaan buugga mid la moodo inuu abwaanku naftiisa ka qoray, isla markaana noloshiisa inoo ogolaaday uun in yar oo ka mid ah inaan ogaano haddana inaga ootay in badan oo kale. Ayaandarro, waxaan joognaa mar aad loogu baahnaa inaha qarsoon si la mid ah, haddayna kaba badnayn, inta muuqata. Marka dhallintu kor u eegayso haldoorkeeda, waxay u baahan tahay tusaaleyaal cadcad oo ku saabsan arrimaha dadku ku kala qaybsamaan siday haldoorku u maamuleen, imikana u maamulaan.

Gundhig

Hal Ka Haleel waa buug daahfur wanaagsan u ah sida loo akhrisan karo suugaanta Hadraawi iyo hordhac wanaagsan oo shaqsiyadiisa ku saabsan. Waa buug kaga duwan buugta suugaanta ah isku dayga balbalaadhinta maansadu waxay ku curatay, iyo macnaynteedaba. Halka buug suugaaneed badani u qoran yihiin sidii loogu duubi jirey cajaladaha oo kale, buuggani wuu kaga duwan waxana la socda sharaxa iyo lafa-gurka qoraaga. Waxa weheliya dhigista maansada iyo siday ku curatay. Waa horukac weyn oo uu kani kaga duwan yahay Hal Karaan.

In laga fisho ma aha in dhammaan suugaanta Hadraawi laga wada helo buuggan. Yaan la hilmaamin in abwaanku weli suugaan irmaan yahay. Maanso kastana laga filan maayo in buuggu sharxo. Halka Maxamed farshaxannimadiisu ku jirto waa kala doorista maansooyinka hoos loogu daadegayo iyo balbalaadhintooda iyo weliba sida uu ugu sooho noloshii abwaanka.

“Biyo sacabadaada ayaa lagaga dhergaa.” Haleel wacan…

1 Waxaan Akhriyey “Hal Ka Haleel”, wq Ibraahin Axmed Yuusuf (Ibraahin Hawd). http://farshaxan.com/Qoraal/04q1/Akhriyey_halka_haleel.html