Dadku waa noole yaab badan. Waxay leeyihiin dareen aanay tirsan laakiin marar badan ay ku go’aan qaataan iyagoon is dareensanayn. Mar baa jira aad garato wax aan cidiba kuu sheegin. Mar baad ka faallootaa wax kuu baxay oo aad lama filaan u dareentay. Marna waxa aad sii sheegtaa wax dhici doona. Marar kale wax aad fasho oo aanad fasiri karaynin baa jira.
Dad baa ku caano maala hillaadiska, saadaasha, aragtida fog iyo dareen qaadashada. Dadka dareenkaas awoodda u leh waxa la yidhaa miyaa lala hadlaa, miyaa lagu lammaan yahay, ma quruun kalaa wax u sheegta . Mararka qaar dadkaas waxa lagu yidhaa way iska baadi socdaan oo xaalkoodu waa Alla wateen wehel uma baahna. Dareennadan ayaa haatan waydiimahoodu igu soo dhacayaane bal joogeey adigu ma ila dareensan tahay? Bal haddaa in yar ila dhugo dhacdooyinkan soo socda.
Afar qof ayay ahaayeen maalintii la is kaaya barayey. Waan ku niyad samaa barashadooda marka laga reebo ragga kooda ugu magaca dheer oo laabtaydu ka biyo diiday wajigiisana wax la iiga ifiyey. Sidii aan aqoon u leeyahay ayaan biligtiiba ku suntaday qof aan loo geli karin oo aan mudnayn qadarin. Hase ahaatee dareenkaygaa cidna lamaan wadaagin, waayo wax caddeyn ah umaan haynin. Malaha dareenka noocan ah waxa aynu u naqaan sanifaad, ma aqaan in lagu go’aan qaadan karo iyo in kale. Saaxiibkay ila socday baan waydiiyey “waar ninkan magaca dheeri waa ayo?” Wuxuu yidhi “ma aqaan.” Halkiibaa iigu dambaysay warkiisana dib umaan soo qaadin.
Maanta ayaase la ii sheegay war dib ii xusuusiyey kulankii degdegga aanu iskugu baranay raggaas waddada dhexdeeda aniga iyo saaxiibkagyii ila socday. Waxa la ii sheegay ninkii magaca dheeraa in uu dhacay mid ka mid ah saaxiibadii la socday. Tolow sideen ku sii ogaaday shakhsiyaddiisa taban. Waa yaab!
Waa maalin kale. Aniga iyo qof kale ayaa ku hadhnay fasalka markii ardaydu u baxeen nasashada. Waxa naga xun haynta. Waalidkii aan ka imina faramadhnaan ayay i soo direen, subaxdaana dab looma dhadhaarin reerka. Aniga oo gaajaysan ayaan is idhi bax, ma jiro cid aan wax ku ogahay. Mana ihi qof amaah iyo yaqaan shaxaad. Markii aan faskalka ka soo baxayay jalka waan sii goosanayay oo lugaha ayaan jiidayay, saxiibkayna waxa uu ila baryay iska joog oo ii wehel ahow. Anna wax baan inoo keeni ayaan kaga soo fakaday.
Waxaan toos u abbaaray suuqa. Maanta waxbaa kuu maqan ayay naftu i leedahay. In yar haddii aan socdayna, aniga oon dhul eeg ahaan jirin, maanlinkan hoos ayaan dayay. Wax baan arkay oo ii soo hiray. Dhulka lacagbaa taalla. Dadku way dhaafdhaafayaan mana arkayaan, anna waan jeedaalinayaa oo waan u jeelqabaa. Waan ku foorarsday. Waxaan ku hubsaday jeebka xoolahan Alle-ii-keenka ah. Intii aan sii socdayna waan xejinayay. Kadib saaxiibkay ayaan u dhambalay dheefta aan soo hooyay isna wax imuu su’aaline tukaankii xigay dugsiga ayuu degdeg u beegsaday. Markii uu soo laabtay ee aanu afka wax gelinay ayaan idhi waan helay lacagta aan ku siiyay. Wuxuu yidhi “dadka nasiibka leh ma ihi, laakiin maanta amba waan garanayay in wax ii soo socdaan.” Garashadaasi waa dareen la wadaagay oo aan maangalnimadiisu wali ii caddayn.
Bal maalin kalena aan eegno. Inan kuray ah ayaa gaadhi dabada qabsaday. Haweenay jaarkayga ahayd oo la socotay wiilkan dabakafuulka ah ayaa hadashay. Way u dhawaaqday. “Alla waa kaa go’ay” ayay tidhi. Ma uuse maqal. In yar ka dib waxa noo xigtay qacdii iyo kii oo laamida ballaadhay. Tolow haweenayda maxaa wax u sheegay, mise way taqaanay oo waligiibuu dhici jiray? Waa yaab!
Qisada u dambaysaa waa maalintii aan taangiga biyaha soo iibsaday. Xaawa oo ah qof wayn oo dariska ah ayaa tidhi “inaga celi bahalka”. Anna waxaan idhi “waayo maxaa dhacay?” Markaasay aamustay. Mana ay sheegin waxa ay ku hiiftay. Mar baan is idhi malaha hadalkaa may odhane adigaa u qaatay. Dib umaan celin oo reerkaa u baahnaa. Hayeeshee bil muu sii shaqayn oo wuu daxlay, daloollo badana wuu yeeshay. Xaawa iyadoo oo aan fadhiga uga kicin ayay aragtay oo ay go’aanna ka dhiibtay. Waa yaabe siday ku ogaatay ma geerashka ayay ku soo aragtay mise hore ayay u isticmaashay kan oo kale? Markii dib loo waydiiyay waxay tidhi “waa la ii diiday oo wuu silloonaa!”
Haddaba waxaynu ogsoonahay jiritaanka dareenno dadku magacyo ku sheegaan sida ilhaaminta, diidmada, sanifaadda, ka boodidda, garabdaarta, haatufka iyo kuwa kale oo aan ku tibaaxay dareenka dahsoon ee lixaad. Akhristow dareennadani dhankaaga ma jiraan mase u aragtaa in lagu tiirsan karo? Ma la kobcin karaa oo looga faa’iidaysan karaa odorska, aragtiyaha fogfog, xallinta dhibaatada iyo is-afgaradka dadka?
siciidmd@gmail.com