Xanuunka “Muuqo” oo soo badanaya (W.Q. Yaasiin Muxumed Cadde)

Daraasad aan rasmi ahayn iyo baadhitaano dhinaca qoraallada ah oo aan muddo ku samaynayey dhacdooyin iyo dhaqano bulshadeena ku fiday ayaa waxay ii muujiyeen in dalkeena maalinba maalinta ka dambaysa ay ku soo badanayaan xanuuno nafsaani ah oo lagu arko bulshooyinka sideena oo kale ka soo doogaya burbur ay soo mareen (post conflict society), hase ahaatee dadka badankiisu kuma baraarugsana. Xanuunadan waxaka mid ah xanuunka aan u bixiyey “MUUQO”.

Xanuunka “Muuqo” markii aan ku eegay aqoonta la xidhiidha maskaxda iyo sida ay u shaqayso wuxu ka mid yahay dalladda xanuuno nafsi ah oo la isku yidhaa Cillada Jeclaysiga Sarreynta  (Superiority complex).

Sida ay culimada cilmi-nafsigu  tibaaxeen waa cillad nafsaani ah oo si taban oo qoto dheer ula falgasha           hab-fikirka qofka. Waxay raad ku yeelataa diiradda uu qofku ku eego xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo dadka kale, qaabka uu go’aanada u gaadho, shucuurtiisa la xidhiidha dhacdooyinka soo waajaha iyo waliba sida uu naftiisa u arko.

Waxa lagu yaqaan xanuunkan in uu saameyn ku yeesho qaybta fikirka ee maskaxda qofka uu asiibo wuxuna ku keenaa in uu marar badan isku arko in uu yahay qof ka sarreeya sida ay dadku u malaynayaan ama wuxu u qaataa in qiimaha uu leeyahay aanu qadarinteeda bulshada ka helin. Taasina waxay ku keentaa in uu ku kaco ficilo uu isku muujinayo amaba uu ku hiigsanayo hadafyo aanu tacabkoodii la iman.

Xanuunka “muuqo” wuxu bulshadeena u asiibay heer shaqsi iyo heer bulsho. Bal aynu eegno caalamadaha lagu garan karo shakhsiyaadka uu hayo.

Magac-jacayl

Nooc ka ka mid ah dadka uu saf-maray xanuunka ‘muuqo’ waxay jeclaystaan in magacooda lagu ladho hor-gale aanay mutaysan. Tusaale ahaan nin aad ku ogayd wastaad ayaad arkaysaa iyadoo injineer hebel loogu yeedhayo, mid farmasi iibin jiray ayaa doonaya in dhakhtar loogu yeedho, mid hadda uun shahaaddadii koowaad ee waxbarashada sare dhammeystay ayaa borofeesar isugu yeedhaya. Haddii aad booqato Facebook-ga si sahlan ayaad uga dheehan kartaa cilladahan nafsiga ah.

Dhanka kale waxaa xusid mudan in xanuunkan ay suuq-geyn ahaan uga faa’iidaystaan ganacsatada qaarkood sida hudheellada. Macmiilkii albaabka uga soo galaba waxay ku yidhaahdaan “guddoomiye” ama “xildhibaan”. “Hee” mooyaane arki maysid qof leh xildhibaan ma ihiye magacayga oo kaliya iigu yeedha.

Aqoonsi-raadis

Tusaale kale waxaynu u soo qaadan karnnaa dadka u haraaddan aqoonsiga bulshada. Waxay jeclaystaan in shahaado-sharaf ama billado la guddoonsiiyo iyadoo aan loo eegayn in ay wax qabteen iyo in kale. Haddii loo garan-waayana iyagaaba soo abaabusha.

Kudladdan aqoonsi-raadiska ah ficillada kale ee ay jecel yihiin kuna jeel-baxaan  waxa ka mid ah soo dhawaynta, sacabka iyo mashxaradd.  Waxad arkaysaa qof aan xil noocuu doonaba ha ahaadee hayn isla markaana aanay muuqan sabab loo soo dhaweeyaa oo magaalo dhami ka hor tagayso durbaanana loo tumayo. Waxa iyaguna jira kuwa xil haya laakiin muddo yar oo kooban dalka ka maqnaa oo la soo dhawaynayo.  Waxa caado noqotay in lagaga hor tago gaadiid faro badan oo sawiradiisu ku dhajisan yihiin.

Baadhitaan kooban oo aan sameeyey waxan ku ogaaday inta badan dadka la soo dhaweeyaa iyaga ayaa abaabula soo-dhawayntooda ee maaha is-xilqaan bulsho. Mar waa la-soo-dhaweeye, mar waa abaabule marna waa maal-geliyaha soo dhawaynta; miyaanay muuqan  in ay cilladi meesha ku jirto?

Maalin dhawayd waxa TV-ga laga soo daayey masuul darajadiisu ka hooseyso heer wasiir oo inta uu meel miyi ah askar aan badnayn saf galiyey salaan ka qaadanaya si uu soo dhawayn naftiisa u dareensiiyo. Waxa iyaduna xusid mudan in aan goobjoog u ahaa masuul Hargeysa lagu soo dhaweynayo oo inta uu gaadhiga qoorta kala baxay u gacanta u haadinaya dariiq aan dad iyo xoolo midna joogin. Hadda waa waddo madhan!

Xil-jacayl

Dadka uu xanuunkani ku jiro waxa  lagu arki karaa astaamo iyo ficillo ay dadka ku xeersani la yaabaan laakiin ay iyagu u arkaan in ay maamuus ku heli karaan. Waxa ka mid ah xil-jeclaysi aan sal lahayn. Waxay isku-soo-sharaxaan ama in loo magacaabo raadsadaan xilal aanay aqoonteedii iyo waayo-aragnimadeedii lahayn. Dadka caynkan ahi waxay si fiican uga soo shaac-baxaan bulshooyinka uu ka lumay miqyaaskii lagu garan lahaa qof kastaa waxa uu qaban karo ama bulshooyinka aan lahayn shuruuc si waafi ah wax u kala qeexi karta.

Sannadihii u dambeeyey waxaynu warbaahinta ka daawanaynay dad dhallinyaro u badan waayeelna leh oo u taagan in ay qabtaan xilal hogaamineed oo aanay u soo dedaalin gaar ahaan wakhtigii loo tartamayey Golaha Deegaanka. Haatan oo la dhawrayo doorashadii baarlamaanka arrintaasi way sii badatay waxana loo baahan yahay in laga digtoonaado halista ka iman karta dadkan uu haleelay xanuunka muuqo.  Qof kastaa wuxu hal-ku-dheg ka dhigtay “igu dooro aqoon iyo waayo-aragnimo”.  In badan oo ka mid ah marka aad ka daba tagto waxad ogaanaysaa in hal-ku-dheggooda iyo xaqiiqdoodu  aanay is waafaqsanayn- waa cillad lagu yaqaan xanuunka “muuqo”.

Way jiraan musharixiin badan oo ku habboon, laakiin waxa fara badan inta ay ka khaldan tahay dariiqa ay u marayaan xaqiijinta hadafkoodu. Halkii ay ahayd in ay korodhsadaan aqoon iyo waayo-aragnimo gaadhsiin karta halka ay hiigsanayaan ayay ka doorbidaan in duuduubka lagu qaato. Ayaan-darro qaar badan sidaasi way u meel martaa.

Baarlamaanku waa gole sharci-dejineed waana warshadda soo saarta shuruucda qaranka kala hagta. Sidaas awgeed qofka xubin ka noqonayaa waa inuu lahaadaa aqoon sare, karti iyo waayo-aragnimo u saamixi karta gudashada waajibaadkiisa ku xusan Dastuurka.

Xil-jacaylku intaas uun kuma eka. Waxa iyaguna jira dad isku caleemo-saara xilal aan macnawiyan jirin sida Boqorka Dhallinyarada, Boqorada Haweenka, Suldaanka Gaadiidleyda, iwm.

Xanuunka “muuqo” oo heer bulsho ah

Sida xanuunada kale xanuunka “muuqo” kuma dhaco  shaqsiyaadka  oo kaliya laakiin bulshadana wuu ku dhacaa. Qof iyo qabiilba waxa la rabaa in si aan munaasib ahayn loo muuqdo. Cilladaha nafsiga ah ee dhinaca bulshada ee aan diwaangeliyeyna waxa ka mid ah kuwan soo socda.

Jacaylka Warbaahinta

Waxaynu daawanaa shirar jaraa’id oo tiro beelay haddana aan lahayn macno fog aan ka ahayn beesheenu ha muuqato ama deegaankeena qaylo ha ka soo baxdo. Waxa iyaguna jira waraysiyo tiro beelay oo mararka qaar aad dareemayso in cidda la waraysanayaa ay soo abaabulatay.

Si aan arrinkan u daraaseeyo waxan ka dhex doortay oo aan duubay toban shir-jaraa’id oo sannadkii ina dhaafay la qabtay. Mid kasta waxan daawaday saddex jeer waxanan diiwaangeliyey weedhaha ugu badan ee soo noqnoday. Waxa ka mid ahaa “haddaanu nahay beelweynta reer hebel…waanu taageersanahay masuul hebel (waa nin muuqda)… kalsoonidii waanu kala noqonay maamulka (kadib markii aan ka dhex muuqan waynay)… xafiiska caynkaas ah kama muuqano…kuwa meesha ka muuqdaa nama metelaan… mashruucan beeshayadu kama muuqato… arrintaas nalagalama tashan…arrinkaas nalalama socodsiin…” iyo weedho kale. Sarkaal ciidanka qaranka ka tirsan oo aan arrintan kala sheekaystay ayaa igu yidhi beelaha waxa u hadhsan oo kaliya in ay yidhaahdaan “kuwa ku dhintay dagaalka meel heblaayo ka dhacay annagu kama muuqano!”

Marka laga yimaad mawduucyada kala duwan ee ay ka hadlayeen, dadkii shirarka qabtay waxay ka sinaayeen in ay ku dedaalayeen muujinta magaca beesha.

Magacyada Goobaha iyo Muujinta Beesha

Calaamad kale oo lagu karan karo sida uu bulshada ugu fiday xanuunka “muuqo” waa xifaaltanka iyo iska-hor-imaadyada ka dhaca magacyada loo bixinayo goobaha caamka ah sida iskuullada, dariiqyada, iwm. Dhawr magaalo oo aan safar ku tagay dhammaadkii sannadkii 2014ka waxaan ku soo arkay arrinkan oo taagan. “Sidee nin reer hebel loogu magac-dari karaa meeshan oo beerahayagii ahaan jirtay?” iyo “ninkan aad meeshan la rabtaan nin muuqda muu ahayne kan annaga naga dhashay ayaa si weyn loo yaqaan”.

Arrintani waxa ay gaas ku sii kordhisay ololkii is qabyaaladaynta ee awalba shidnaa. Marka aad waxa la isku hayo baadhitaankeeda ku talax-tagto waxa kuu soo baxaysa in ay qolo rabto nin bulshada wax u soo qabtay in lagu maamuuso kuwo kalena ay barbar eryayaan nin laga yaabo in aanu waxqabadkiisu gaadhsiisnayn heer meel caam ah loogu magac-dari karo. Waxa isweydiin leh maxay beeshu ugu xiiqaysaa in goob caam ah loogu magac-daro nin iyaga ka dhashay? Sababtu waxa weeyi waxay aaminsan yihiin in marka geesigaas magaciisa meesha lagu xardho ay beeshu “background” ahaan uga daba muuqanayso.

Waa muhiim in la xuso geesiyadii iyo dadkii bulshadan wax soo taray, laakiin waan in loo daayaa cidda uu sharcigu awoodda u siiyey magac-bixinta goobaha caamka ah ciddaasina ay miqyaas u samaysato ay ku cabirayaan qofka u qalma in magaciisa meel lagu maamuuso si loo kala badbaadiyo beelaha isku muuqda.

Caleemo-saar aan dhammaanayn

Meel kasta oo Soomaali deggan tahay waxa si joogto ah uga socda caleemo-saaridda hoggaamiye dhaqameed taas oo keenta kala jajab bulsho oo hor leh iyo hoggaankii dhaqanka oo qiimo-beelay.  Su’aashu waxa weeyi ma beelihii ayaa tiradoodii habeen walba korodhaa? Mise beelihii ka shakiyey in aanay si fiican u muuqan ayaa goostay in ay suldaan ama caaqil u gaar ah samaystaan si ay iyaguna u muuqdaan? Arrinta xiisaha lihi waxa weeyi dadka beryahan la caleemo-saaraa badankooda beeshu may xulan ee iyagaa is xushay kadibna beeshu way ku taageertay maadaama uu yahay nin dhaqaale haysta beeshana magac u soo jiidi kara.

Xanuunkani muxuu soo wataa sideese loo dawayn karaa?

Xanuunnada maskaxda ee bulshadeena ku soo kordhaya oo kani ka mid yahay haddii aan wax laga qaban waxaynu u gudbi doonaa bulsho is-dhex yaacda oo dhalanteed ku nool.  Si kooban haddii aan u dhigo bulshada mijaheeda ayaa madax isku bedeli doonta, caamada ayaa isku deyi doonta in ay culimada hoggaamiso. Tani waxay saamayn xun ku yeelan doonta horumarkeena iyo habsami-u-socodka nolosheena. Durba ifafaalaheedii wuu muuqdaa oo dad badan ayaa hadda aaminsan kuna dhaqma in ay muuqan karaan iyagoo aan dedaalin. Waxa iyaduna iman doonta bulshada oo is xun isku cidhiidhida kadibna kala irdhawda maadaama xaggan sare ee la wada hiigsanayo ay meelaha ka banaani yar yihiin.

Nasiib-darrada jirtaa waxa weeye in aynaan lahayn khubaro aqoon xeel-dheer u leh cilmi nafsiga iyo cilmiga bulshadaba kuwaas oo daraaseyn kara arrinka kadibna daawo u heli kara.  Sida aan u arko in xanuunadan lagu yarayn karaa waa iyadoo marka hore lagu baraarugo oo warbaahintu wacyigelin ka samayso iyo jaamacadaha oo bilaaba aqoonta la xidhiidha cilmi nafsiga iyo cilmiga bulshada si loo helo dhakhaatiirtii jiilka cusub ka badbaadin kartaa xanuunkan iyo cillado kale oo bulshadeena la hadhay.

Yaasiin Muxumed Cadde waa cilmi-baadhe deggan Hargeysa   ahmedyasinmx@gmail.com