Human Right Watch waxay dalbatay in tallaabo laga qaado Itoobiya sidoo kalena Maraykanka ayaa u digay

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa kulankii guddi hoosaadka Midowga Yurub ee xuquuqda aadanaha waxay Midowga Yurub iyo beesha caalamka ugu baaqday in ay tallaabo xoogan ka qaadaan Itoobiya.

Sidoo kalena waxa Maraykanku ka digay in Itoobiya aanay ku xadgudbin xaaladda degdega ah ee ay soo rogtay maalintii Axadda.

Kooxaha caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha ayaa ku warramaya in beesha caalamka ay dhinaca kale uga jeestaan marka ay timaado xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo caburinta xoriyadda hadalka ee Itoobiya.

Cilma baadhe sare oo ka tirsan Human Rights Watch, Felix Horne ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in ay jirto rabitaan la’aan ah in wax laga qabto arrimaha Itoobiya sababo la xidhiidha xooggan ee dawladda dalkaas ay la leedahay beesha caalamka.

Mark uu ka hadlayey arrintaasina waxa uu yidhi:

“Midowga Yurub waa inay tallaabo adag ka qaadaan Itoobiya, ayna dhiiri geliyaan baaritaan caalami ah, waa inay cadaadiyaan in baaraha QM loo ogolaado dalka Itoobiya.”

Dalka Itoobiya ayaa waxaa dhowaanahan ka socda dibadbaxyo lagu dalbanayo xorriyad siyaasadeed oo ballaadhan, taasi oo keentay in dawladda ay soo rogto xaalad deg deg ah markii ugu horreysay muddo 25 sanno ka badan.

Sidoo kale Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa sheegay in ay tahay in dawladdu ay kala caddeyso sida ay ku doonayso in ay ku dhowrto xuquuqda dadka rayidka ah lixda bilood ee uu socdo xukunka deg dega ah ay ku soo rogtay.

bandhige@gmail.com