Human Rights Watch ayaa waxay soo saartay warbixin cusub oo cambaarayn xoogan u soo jeedinay laamaha ammaanka Itoobiya oo jidh dil, dil iyo xadhig kula kacay dibed-baxayaal ka gadooday oo ka tirsan qoomiyada Oromada oo kasoo horjeesta qorshaha balaadhinta Adisababa oo ay haatan dawladdu ka noqotay qorshahaas.
Hay’adda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in dawladdu ay iyada oo awood adeegsanaysa ay muquunisay dad si nabad-gelyo leh u dibed baxaya oo mudaaharaadka bilaabay tan iyo bishii November ee sanadkii 2015-kii.
Warbixintan waxay ka sheekaysay booliis rasaas ku furay dad badan oo dibed-baxayaal ah. Boqolaal kalena way xidheen, balse lama garanayo meelahah ay ku xidhan yihiin.
Sidoo kale war-bixinta ayaa waxa la sheegay in la dilay oo rasaas lagu furay mudaaharaadayaal ay qaarkood yihiin 10 jir intii ay socdeen isku dhacyadaasi.
Kuwa la xidhay sidoo kale waxa ku jira arday, saxafiyiin iyo masuuliyiin caan ah oo mucaaradka ka tirsan.
Wasiir ka tirsan dawladda Itoobiya ayaa warbixintaasi ku tilmaamay mid aan dhexdhexaad ahayn ayna qiimayn iyaga u gaar ah ku samaynayaan dibed-baxyadaasi.