Xiisad ka dhex oogan Maraykanka iyo Turkiga

Xiisad siyaasadeed oo dhalisay muran xoogan ayaa waxay ka dhex qaraxday Maraykanka iyo Turkiga kadib markii Brett McGurk oo ah ergeyga gaarka ah ee Obama u qaabilsan Syria uu booqasho ku tegay magaalda Kobani oo ku taalla xuduuudka u dhexeeya Turkiga iyo Suuriya.

Brett McGurk ayaa waxa uu kulamo la yeeshay hoggaamiyayaasha Kurdish-ka kuwaas oo sababay muranka u dhexeeya Maraykanka iyo Turkiga oo haatan sii xoogaystay.

Booqashada Turkishka ayaa waxa cadho weyn ka muujiyeen booqashada Brett McGurk iyo kulanka uu la yeeshay kooxda Kurdishka ee PYD oo ay Turkigu u arkaan in ay ku xidhan yihiin kooxda mucaaridka Turkiga ee PKK.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlay booqashada Brett McGurk ee Kobani oo cadho ka muujiyey ayaa waxa uu yidhi:

“Sideen idiin aamni karnaa, ma waxaa saaxiib idin la ah aniga, mise argagixisada ku sugan Kobani.”

Wada-hadal qaatay hal saac iyo 20 daqiio oo Jimcihii teleefonka ay ku yeesheen, ayay Ankara sheegtay in Obama uu ugu xaqiijiyey Erdogan in Turkigu ay xaq u leedahay in ay is-difaacdo, uuna walaac ka muujiyey kooxaha Kurdish-ka ee kusii siqaya dhinaca xuduudda ee magaalada Aleppo.

Taageerada Washington ay siiso kooxda PYD ayaa ah arrinta xuddunta u ah muranka weli socda ee kala qeybinaya Maraykanka iyo Turkiga, iyo go’aanka Maraykanka ee ah in ka adkaanshaha Daacish laga hormariyo in Assad xukunka laga tuuro.

Dhinaca kale Turkiga ayaa waxay xidhiidhkooda siyaasadeed xumaaday Ruushka oo uu Turkigu ka soo riday diyaarad nooca dagaalka ah oo duqeyn ka waday Suuriya oo ka talowday xadka Suuriya.

bandhig@gmail.com