Ibraahim Dhegaweyne wuxu layaab ku tilmaamay in ciidan loo qorayo Sucuudiga

Ibraahim Dhaga-weyne oo ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay halgankii hubaysnaa ee dalka lagaga xoreeyey nidaamkii Siyaad Barre ayaa ka hadlay ciidan la sheegay in laga qorayo Burco, kuwaas oo loogu talo galay in ay ka qayb qataan dagaalka uu hoggaaminayo Sucuudigu ee lagula jiro Xuutiyiinta,

Wuxuuna ugu baaqay dadweynaha in xilligii xukuumaddu dhammaaday loona baahan yahay intaan kursiga laga tuurin in ay ubaneeyaan shacbaka Somaliland. Dhegoweyne wuxuu sheegaya in xumaddu aanay cidna sharci-darro  ku timami karin madaama iyadiiba tahay sharci-daro.

Dhego-weyne wuxu sheegay in uu ogaa iyada oo Somaliland suciidiga xoolo u dhoofisa laakiin ay la yaab ku noqotay in haddana loo dhoofinayo dad.

Ibraahim wuxu xukuumadda u soo jeediyey in ay dhex u ahaato dagaalka ka soconaya Yemen ee u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo huwanta Sucuudigu hor kacayo.

Dhegeweyne wuxu dadweynaha ugu baaqay in ay ka ilaashadaan carruurtooda in lagu dhex tuuro dabka ka holcaya Yemen.

Toddobaadyadii ugu danbeeyay waxaa dibedda u soo baaxayay warar sheegaya in ciidamo loo qorayo dagaalka lagula jiro xuutiyiinta ee uu hoggaaminayo Sucuudigu, inkastoo ay beenisay jiritaanka warkan beenisay xukuumaddu.

Bandhige@gmail.com