“Illaahay baan qaldamin’e hadalka Suld. Xasan kasoo yeedhay xaal baanu idinka siinaynaa, Qarannimada Somaliland-na…” Suldaan Mawliid Sabbeyso

 

Suldaanka Guud ee Beelaha Sacad Muuse Suldaan Mawliid Cali Sabbayse ayaa raali Galin ka bixiyay Hadal ka Soo yeedhay Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilaahi oo Qaybo ka mida Salaadiinta iyo Bulshada Somaliland ka bixiyeen dareeno Xanaf leh. Suldaan Mawliid Sabbeyso oo shalay warbaahinta kula hadlayay Hargeysa waxa uu dhammaan Salaadiinta iyo madaxda dhaqanka ee Somaliland ugu baaqay inay shucuubta dadka ilaaliyaan, isla markaana ka dheeraadaan waxkasta oo bulshada kala geynaya. Suldaanku isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxuu yidhi; “waxa mujtamaca Somaliland si mug iyo miisaan leh uga cabanayaan Salaadiinta. Dhammaan salaadiinta reer Somaliland tittle-kasta oo ay leeyihiin, waxa weeyi madaxdhaqameedku siyaasadda inuu faraha kala baxo, oo cid waliba hawlbay leedahay, innagu dhaqanbaynu leenahay, haddii nin siyaasi ahi uu inna isticmaalo, dee bulshadii waynu kala qaybinay, xataa cidii inna caleemo-saartay ayaynaan raaligelinayn. Markaa salaadiinta waxaan leeyahay siyaasadda hayskaga baxeen. Reerahooga haku ekaadaan, dhaqanka ha ilaaliyaan, ummaddana yaanay kala aybinin, dadka iyagu haysku soo jiidaan.” Ayuu yidhi Suldaan Mawliid Sabbeyso

Dhinaca kale Suldaan Mawliid Sabbeyso waxa uu raaligelin ka bixiyey dabuub kasoo yeedhay suldaanka guud ee beesha Habar Awal, Xasan Suldaan Cabdiraxmaan, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu markale yidhi; “arrintaasi waxaanu si weyn oo gobonimo leh, ixtiraam iyo karaamo lehba uga raaligelinaynaa, hadalkaasi kasoo yeedhay suldaan Xasan. Waa suldaankayagii waa khladamay Illaahaybaan qaldamin, xaalbaanu idinka siinaynaa. Qaranimadana waynu wada leenahay, wax Somaliland kala lihi ma jiro, JEEGAAN laga cabbana mabaynaan arag tan kahor. Hadalkaasi xanaf faraban buu keenay, cadow faraban baa ka faa’ideystay, dhibaato farabadan baa ka dhalatay, baraha bulshadu ku kulantana si fool xun oo fool xun buu hadalkaasi u galay, runtii inuu galena ma ahayn, ee waxaan idin leeyahay xaal ka qaata, oo hadalku halkaasi haku istaago.” Ayuu yidhi Suldaan Mawliid Sabbeyso.

 Xigasho: Hubaal Media.
bandhige@gmail.com