Shaqadii Xukuumadda Maraykanka ayaa istaagtay kadib markii la ansixin waayey miisaaniyada Dawladda 

Police tape marks a secured area of the Capitol, Friday, Jan. 19, 2018, in Washington, as a bitterly-divided Congress hurtles toward a government shutdown this weekend. (AP Photo/Jacquelyn Martin)

 

Qeyb ahaan shaqadii Xukaamadda Maraykanka ayaa xalay saqdii dhexe joogsatay, kadib markii aqalka Senate-ku uu ku guuldareystay in uu meelmariyo miisaaniyad cusub oo KMG ah oo socon doonto ilaa 16-ka bisha danbe.

Wada-xaajoodyo socday daqiiqadiihii u danbeeyay ayaan midho dhalin, waxaana xubnaha Dimoqraadiga ee aqalka ka tirsan ay hor-istaageen miisaaniyadda KMG ah.

Waa markii afraad ee xukuumadda Maraykanku ay howlaheedu istigaan muddo 25 sanno ah, iyadoo tii ugu danbeysay ay dhacday 2013-kii.

Aqalka Cad ayaa shaqada joogsatay ee xukuumadda Maraykanka wuxuu ku eedeeyey xisbiga Dimoqraadiga.

Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa sannad-guurada 1aad ee markii Donald Trump xukunka madaxtinimada uu qabtay.

Laamaha xukuumadda ee sii shaqeyn doona waxa ka mid ah amniga dadweynaha iyo waliba ciidamada, kuwaasi oo lagu tilmaamo laamaha “muhiimka” ah, laakiin inta badan laamaha kale xukuumadda Maraykanka ayaa shaqadoodu xidhnaan doontaa ilaa inta Congress-ku uu meelmarinayo miisaaniyad ay xukuumaddu ku shaqeynso.

Miisaaniyadda KMG ee xalay Aqalka Senate-ku uu ku guuley-daraystay ansixinteeda.

bandhige@gmail.com