Alle Haw Naxariistee waxaa Maanta Magaalada Hargeysa Dhaam Biyood ku dhintay Wiil yar oo magaciisu ahaa Cabdiqani Cabdi Xuseen oo Shan Jir ahaa, kaasi oo ku Dabaallanayay Dhaamka Xaafada Jig-jiga yare ee Magaalada Hargeysa.
Dhaamkan ayaa waxaa hoostiisa ahaa Ceel laga qoday oo dhererkiisu yahay ilaa 20 Mitir ayaa waxaa ilmahaas yari isagoo ku dabaalanaya abbaaro 1:00 Duhurnimo ee maanta uu ku dhintay Ceelkaas.
Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa lagu soo wargeliyay, waxaana ciidanku u baxay markii lagu soo wargeliyay, hasayeeshee nasiib xumo waxaa ciidanka dab-demiska lagu soo wargeliyay iyadoo uu muddo ku jiray ceelkaas isla markaana ku dhintay, hasayeeshee waxaa ciidanka Dab-demisku ka soo saaray maydkii ilmahaas yar.
Hawlgalkan ayaa waxaa ciidanka Dab-demiska ku wehelinayay Laamaha Amaanka iyo Baadhista waxaa ugu dambayn Hawshaa la wareegay Qaybaha Baadhista ee Ciidanka Booliska iyo eheladii iyo Qaraabadii Wiilkaasi yar.
Ciidanka Dab-demiska ayaa badanaa ka shaqeeya hawlaha biniaadanimo haday noqoto Dadka, Xoolaha iyo Gaadiidka iyo guud ahaanba wixii u baahan gargaar biniaadanimo.
Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL
Hargeysa/Somaliland
Gurmadka Deg dega ah : 990
Somalillandfie@gmail.com