Margret Boemer waxay tagtay xarun caafimaad iyadoo leh uur 16 toddobaad ah si ay u fuliso ballamaha caadiga ah ee haweenku ku tagaan xarumaha caafimaadka marka ay uurka leeyihiin si loo hubiyo caafimaadkooda iyo ka ilmaha.
Markii la saaray qalabka ultrasound-ka loo yaqaan ee uur-ku-jirta lagu eego waxa ilmihii lagu arkay fiix af-Ingiriisiga lagu yidhaa “sacrococcygeal” oo ku taalla jidhkeeda taas oo nolosheeda iyo mustaqbalkeeda halis ku ah. Sidaas daraadeed waxay dhakhaatiirtu go’aamiyeen in laga soo saaro hooyadeed, qalliin loo sameeyo, kadibna dib loogu celiyo ilmo-galeebnka hooyadeed.
Ilmihii waxa qalliinkii lagu sameeyey markii ay uurka hooyadeed ku jirtay 23 toddobaad, waxaana dib loogu celiyey ilmo-galeenkii hooyadeed, halkaas oo ay ku dhammaysatay intii sidkeeda uga hadhsanayd, waxayna si caadi ah u dhalatay toddobaadkan.
Ilmahan oo ku dhalatay gobolka Texax ee Maraykanka waxa loo bixiyey LynLee Hope, waxayna taariikhda ku gashay in ay noqotay ilmihii koowaad ee dunida laba jeer dhasha.
Sida ay waalidkeedu sheegeen hadda caafimaadkeedu wuu fiican yahay waxayna la mid tahay carruurta dhegeeda ah.
Fiixda sacrococcygeal ee laga qalay LynLee Hope waxa lagu arkaa 35000 ee ilmoodba mid, waxayna ku badan tahay carruurta dhedigga ah marka ay uur-ku-jirta yihiin.
Il-wareed: Wakaaladaha Wararka
BANDHIGE NEWS
Bandhige@gmail.com