Waxaa maanta ku geeriyooday magaalada Borama ee xarunta Gobolka Awdal isla markaana lagu aasay Eebe Naxariistii Jano haka waraabiyee Danjire Maxamed Sh. Xassan Nuuriye ,
Marxuumku waxa uu ku dhashay tuulo u dhaw magaalada gabiley Oo lagu magacaabo Caro-baraar, isaga oo yar ayaa waxay Qoyskoodu u soo wareegeen Magaalada Aw-bare oo markaasi hoos imanaysay maxmiyadii Ingiriiska ,marxuunku waxa uu Yaraantiisii ku soo barbaaray isla Awbare .
Marxuunka waxaa Dugsiga la qoray 1952 ,sida uu sheegay marxuumku waxaa qoray iskuuulka Maxamuud axmed Cali
oo markaasi maxmiyadii ingiriiska u ahaa (Inspector) Kormeerihii guud Dugsiyada .
1953 waxa uu marxuumku imtixaan u galay arday uu qaadanayaay dugsigii Camuud wuuna gudbay oo waa la qaatay .
marxuumku waxa uu waxbarashadii dhexe ku qaatay dugsigii Camuud, waxbarashadiisi sarena waxa ka baxay dugsigii Sheekh.
Waxbarashadiisi jaamacada waxa uu ku qaatay marxuumku Dalka India jaamacad la odhan jiray (Aligaram) oo muslimku lahaa waxa uu ku jiray jaamacadaasi mudo sadex sano ah waxana uu soo bartay cilmiga dhaqaalaha ,
intaa ka dib marxuunku waxa ku soo laabtay Xamar sanad markii uu joogay waxa lagu daray survey ( Sahan) lasoo tirin jiray dadka iyo xoolaha waxana uu tagay marxuumka ilaa jamaame .
1969 waxaa uu tagay cariga maraykan waxana uu halkaasi ka galay jaamacadda (University Wisconsin Madison)
waxana uu ku diyaariyay Shahadaadiisii master ka (Economic Develoment ) waxana uu joogay mudo sadex sano ah .
Marxuumku markii u dhamaystay jaamcada waxa uu dib ugu soo laabtay dalka waxana uu ka shaqo galay wasaaradii qurshayn qaranka qaybta Statistics (Tiro koobka ) oo uu in mudo ah ka shaqaynaayay .
Marxuumku waxa uu dib ugu laabtay jaamacadii (Wisconsin Madison ) waxana uu soo joogay mudo sanad ah.
1971 ayuu marxuunku dib ugu laabtay xamar waxana uu shaqadii kasii waday wasaaradii qurshaynta qaranka .
Safarkiisii u horeeyay ee uu raaco wasiirka oo ahaa Siilaanyo waxan ay ku tageen galbeedka afrika wadanka Ghana .
1971 -1979 waxa uu joogay wasaaradii qurshaynta qaranka waxana uu madax u ahaa mashaariicda (Technical departement).
1979 waxaa loo badalay wasaaradii arimaha dibada qaybta Economic Departement . maalin maalaha kamid ah isaga oo jooga marxuunku wasaarada ayaa loo yeedhay waxana loo sheegay in safiir looga dhigay wadanka CANADA .
1984 ayuu marxuumku safari ugu anbabaxay magalada Roma waxana halkaasi ay iska soo raaceen walaalkii oo markaasi lataliye u ahaa madaxwaynaha Djibouti waxana halkaasi ka socday shir ay martigalisay dawlada Djibouti ,waxana isna yimid walaalkii Ismaaciil oo isna la socday Mingisti . Marxuunku waxa uu soo raacay wafdigii madaxwayne siyaad oo dhulka soo maray ilaa Xamar.
Mudo ka bacdi ayaa marxuumku loo badalay safaarada Somalia ay ku lahayd wadanka Negeria waxana uu halkaasi joogay mudo 2 sano ah .
marxuumka oo jooga Negeria ayaa somalia ay ka bilaameen dagaaladii Sokeeye , waxana uu dib ugu laabtay wadanka Canada oo ay qoyskiisu joogeen.
labo sano markuu joogay Canada ayaa waxa u tagay maraykan waxanaa shaqo ka helay jamciyada quruumaha ka dhaxaysa laanta cuntada oo la yidaahdo FOA Barnaamij ay ciraaaq lahayd oo markii dagaalka ka bacdi loo sameeyay.marxuunku waxa uu halkaasi joogay ilaa 2003 .
Marxuumku dagaalkii ciraaq ka bacdi waxa uu yimid Hargaysa waxana uu shaqo ka bilaabay hay’ada UNDP 2004-2007 .
2007 Waxaa loo magacaabay marxuunka safiirka Somaliland u fadhiya wadanka Itoobiya waxana uu marxuumku joogay ilaa 2010 kii .
Wixii ka danbeeyay intaasi waxa uu marxuunku wakhtigiisa badanki ku qaatay magaalada Borama oo ilaa hada uu joogay ilaa maanta oo 25/10/2016.
Waxaa soo diyaarshay taariikhdan kooban ee marxuumka
Senior editor Omar Bashiir