“In Sayidku Islaamnimo ku dhintay, jannadiina uu ku jiro, ummadda Soomaaliyeed ayaa marag u ah” Garaad Kulmiye oo dhalliilay buugga Guri Barwaaqo

Shir lagu qabtay xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya kaas oo ujeeddadiisu ahayd in lagu soo bandhigo wanaaggii Sayid Maxamed Cabdalle Xasan oo Somaliland kula dhex dagaalamay maamulkii Ingiriiska intii u dhaxaysay 1901 ilaa 1921 ayaa lagu qabtay magaaladda Jigjiga. Waxa shirkaas lagu dhalliilayย buugga uu qoray Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo, kaas oo magaciisa la yidhaa Sooyaal.

Guri Barwaaqo buuggiisa wuxu ku qoray dhalliilo iyo tacadiyo uu sheegay in tibaaxay gaystay muddadii uu Sayid Maxamed Cabdalle Xasan dagaalka kula jiray maxmiyaddii Ingiriiska, wuxuuna soo bandhigay gabayo iyo dhukumentiyo kale.

“In Sayidku Islaamnimo ku dhintay, jannadiina uu ku jiro, ummadda Soomaaliyeed ayaa marag u ah” ayuu yidhi Garaad Kulmiye oo shirka furay dhaliilna u jeediyey Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo.

Buuggan ayaa sidoo in muddo ah lagu muransanaa Somaliland dhexdeeda iyadoo qoraaga lagu eedeeyey in uu buugga ku soo bandhigay gabayo aflegaado ku ah hablaha Somaliland iyadooย Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo goobta ka hadlay, arrinkaana daba socdaa, uu sheegay in qoraaga ay maxkamad la tiigsan doonaan.

Haseyeeshee ka-qayb-galayaashii shirka ayaa dhalliilahaas ku tilmaamay qaar aanay waxba ka jirin isla markaana u soo jeediyey Guri Barwaaqo in uu ka noqdo.

Hoos ka daawo warbixin Horn Cable TV ka diyaariyey barnaamijkaas.