Ingiriiska oo duqayn ku bilaabay Suuriya saacado kadib markii Baarlamaanku ansixiyey

A British Tornado jet lands at RAF Akrotiri, a peninsula on the southern coast of Cyprus where Britain retains a military air base, Cyprus, December 2, 2015. REUTERS/Yiannis Kourtoglou -

Saacado kooban kadib markii baarlamaanka Ingiriisku ansixiyey, diyaaradaha dagaalka loo yaqaan Toornaado ee Ingiriisku leeyahay ayaa duqayn ku ekeeyey fadhiisimo ay ISIS ku leeyihiin Suuriya iyo goobo lagu tuhunsan yihiin in ay ku dhuuntaan.

Oggolaanshaha Baarlanaakna Ingiriiska ayaa yimid kadib markii arbacadii ay xildhibaannada Ingiriisku ka doodayeen 10 saacadood iyadoo markii dambe ay oggolaadeen 397 xildhibaan halka ay ka diideen 223 xildhibaan.

Ingiriisku marka horeba wuxu weerarro ku hayey ISIS-ta Ciraaq, laakiin wuxu hadda ku kordhiyey weerarrada uu ku beegsanayo ISIS-ta Suuriya.

Go’aankan Ingiriiska ayaa ku soo beegmaya wakhti la filayo in uu Jarmalkuna dagaalkan cagaha soo galiyo. Iyadoo haweenayda hoggaamisa xukuumadda Jarmalka Angela Marker ay sheegtay in 1600 oo askari ay diyaarinayso si ay uga qayb-qaataan hawlgallada ka dhanka ah Suuriya. Waxayse sheegtay in aanay ciidankaasi noqon doonin infantari dhulka ka dagaalama balse ay ahaan doonaan ciidan taageero ah oo caawiya kuwa la dagaalama ISIS.