California: 14 qof oo ku dhintay weerar lagu qaaday xarun naafada lagu tabobaro

Wararka laga helayo gobolka Californaia ayaa tibaaxaya in ay 14 qof ku dhinteen weerar lagu qaaday xarun dadka naafada ah lagu tababaro. Waxa sidoo kale ku dhaawacmay ugu yaraan 17 qof.

Saddex nin oo u hubaysan ayay wararku sheegayaan in ay weerarkan ku qaadeen xaruntan oo ku taalla magaalada San Bernardino oo dadka naafada ah lagu tabobaro.

Booliska ayaa rasaask u furay dadkii weerarka gaystay ka dib markii saacado ka dib ay waddooyinka magaalada ku arkeen baabuurkii ay kooxda weerarka fulisay ku baxsadeen.

Warark hordhaca ah ay sheegaya in boolisku ay gacanta ku dhigeen nin ka mid ah kuwii weerarka gaystay isla markaana ay toogasho ku dileen labo kale.

San Bernardino  ku taallaa goob 60 mayl u jirta Los Angles.

bandhige@gmail.com