Ingiriiska oo sharciyeynaya in soo-galeetiga bilaa sharciga ah aan guryaha laga kirayn

Illegal immigrants wait to be expelled from their camp at Calais on May 28, 2014. French police early Wednesday began expelling around 650 migrants from camps in the northern port of Calais. AFP PHOTO / DENIS CHARLET (Photo credit should read DENIS CHARLET/AFP/Getty Images)

Kadib markii uu kala joogsan waayey qulqulka muhaajiriinta sharci-darrada ah ee doonaysa in ay Ingiriiska ku noolaadaan, isla markaana ay bateen dadka ku dhimanaya isbiimaynta tahriibka, ayaa dawladda Ingiriisku maalinba ta ka dambaysa soo saaraysaa shuruuc xukuumadda u fasaxaysa in ay gacan bir ah wax kaga qabto.

Sharciga cusub ee haatan doodda qadhaadhi ka taagan tahay waa mid dadka muhaajiriinta ah ee qarsoodiga ku gala Ingiriiska u horseedi kara in ay noqdaan dibjir aan guryo ku noolayn.

Sharcigan xukuumadda Ingiriisku miiska soo saartay wuxu dhigayaa in qofka guri ka kireeya muhaajir aan sharci haysan la xukumi doono isla markaana uu xabsiga ku dhammaysan doono 5 sanno oo xadhig ah, taas oo ah ciqaab culus oo cabsi weyn gelinaysa hantiileyaashii guryaha.

Sidoo kale, xukuumadda Ingiriisku waxay 100 askari oo joogto ah dhigi doontaa labaabka dhuunta isku xidha Faransiiska iyo Ingiriiska, iyadoo qayb kale oo askar ahina ay gudaha dhuunta kormeeri doonaan.

Habeenimadii Axaddii ina dhaafta waxay isku dayey in ay dhuunta Faransiiska ka gudbaan 1700 oo qof, taas oo muujisay in qulqulka muhaajiriintu heer aad u sareeya marayo.

Il-wareed: Aljazeera

Bandhige@gmail.com