Baakistaan waxay deldeshay Shafqaat Xuseen oo xukunkiisa lagu muransanaa

Xukuumadda Baakistaan ayaa xalay u quus-goysay ururrada u dooda xuquuqda aadamaha kadib markii ay deldeshay Shafqaat Xuseen oo 11 sanno ahaa dil-suge.

Sannadkii 2004-tii ayaa Shafqaat Xuseen lagu helay in uu dilay ilmo yar oo Baakistaani ah. Hase ahaatee ururrada xuquuqda aadamaha u dooda ayaa sheegay in markii uu Shafqaat ilmaha yar dilayey ay da’diisu ahayd 14-jir, sidaas daraadeedna uu isaga qudhiisu ilmo-yar ahaa, taasina ay meesha ka saarayso in ciqaab dil ah lagu xukumo.

Dawladaha awoodda ku leh dunida ayaa iyaguna Baakistaan u soo jeediyey in ay ka noqdaan go’aanka ay Shafqaat xukunkuna dilka ah ugu fuliyeen.

“Wax macno ah ma leh dilka ay xalay Baakistaan ku fulisay Shafqaat. Waa dil siyaasadeed oo ay doonaysay in ay adduunka ugu muujiso awooddeeda” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah qareennadiisa sharciga.

Shafqaat ayaa todobaadkii dhawayd war uu soo dusiyey ku sheegay in toddoba jeer oo hore loo sheegay in la deldelayo, dharkii deldelaadda loo geliyey, haddana aan dilka lagu fulin.

“Dhibaatada adduunyada ayaa ii dhammaatay, qof maalin walba lagu leeyahay berito ayaa lagu dilayaa, haddana aan la dilayn ayaan ahaa. Waxan dareemay cadaadis badan oo nafsaani ah” ayuu yidhi Shafqaat.

Dilka Shafqaat ayaa la filayaa in uu maanta soo jiito dhalleecayn badan oo ka timaad bulshada caalamka.

Bandhige@gmail.com