Ingiriisku wuxu joojiyey in lala wadaago Maraykanka xogtii sirdoonka weerarkii Manchester

 

Booliska wada baadhitaanka weerarkii Manchester ayaa joojiyay in ay xogta baadhitaanka la waaagaan dhigooda Maraykanka kadib markii warbaahinta loo dusiyay macluumaad ku saabsan baadhitaanada socda.

Mas’uuliyiinta UK ayaa cadho ka muujiyay sawirrada muujinaya hadhaaga waxyaabihii loo adeegsaday qaraxa oo mas’uuliyiinta Maraykanka ay la wadaageen wargeyska New York Times.

Waxay sidoo kale dawladda Britain ka cadhooday in magaca ninka weerarka geystay loo dusiyay warbaahinta Maraykanka saacado uun ka dib weerarka oo ay ku dhinteen 22 qof, 64 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen.

Raysal-wasaaraha Britain, Theresa May, ayaa lagu wadaa in ay walaacan ay in la wadaagto madaxweyne Donald Trump marka ay maanta ku kulmaan shirka madaxda NATO.

BBC-du waxay fahansan tahay in booliska Manchester uu dhawaan dib u soo celin doono hanaaka uu xogta sirdoonka kula wadaaga Mareykanka.

Maraykanka, UK, Australia, Canada iyo New Zealand ayaa ku midoobay isbaheysiga loo yaqaanno ”Shanta indhood” ee wadaaga xogta sirdoonka la xiriira argagixisada.

Ilaa iyo sideed qof oo lala xidhiidhinaya weerarka Manchester ayaa ilaa iyo hadda la soo qabtay. Weerarkaasi waxaa geystay Salmaan Cabedi oo ahaa 22 jir ay qoyskiisa ka soo jeedaan dalka Liibiya.

Waxa sidoo kale soo baxday in labo qof oo horay u taqaanay Cabedi ay booliska sannado ka hor uga digeen fikradihiisa xagjirnimada.

Haweeney ayaa ka mid ah dadka loo qabtay weerarkii ka dhacay Manchester, xilli ay booliska sheegeen in ay baadhayaan “shabakad” la rumaysan yahay in ay ka dambeysay qaraxaasi.

Boolisk ayaa sheegay in ay xidheen haweeneydaasi, kadib markii ay xoog ku galeen guri ay ka deganeyd Blackley, waqooyiga Manchester.

Ramadan oo ah aabaha dhalay ninka qaraxa fuliyay, iyo Haashim oo ay ninkaasi walaalo yihiin ayaa lagu qabtay caasimadda Tripoli ee dalka Liibiya.

Sidoo kale Ismaaciil oo la dhashay ninka weerarka geystay ayaa Taaladadii lagu qabtay Chorlton, oo ku taalla koonfurta Manchester.

Heerka khatarta argagixisada ee UK ayaa la gaadhsiiyay halka ugu saraysa, taasoo ka dhigan in weerarro dheeraad ah ay dhici karaan.

Askar milateri ah ayaa la dhigay goobo muhiim ah oo ku yaalla magaalooyin ay ka mid tahay caasimadda London.

bandhige@gmail.com