Xukuumadda Somaliland waxay joojisay mucaawino siyaasadaysan oo Soomaaliya soo dirtay, waxayna ka hadashay sii daynta Cabdi-maalik Coldoon

 

Shirkii Golaha Wasiirada Ee Tirsigiisu Ahaa 2/25/2017 -220 Oo uu gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa lagu gudoomiyay in aan la aqbalin lacagta 200,000$ ah ee dawlada aynu jaarka nahay ee Soomaliya tidhi waxaan ugu deeqay maamul goboleedyada Soomaaliya oo aanay Jamhuuriyada Soomaaliland kamid ahayn waxaanu sheegayaa in Somaliland tahay dal madaxbanana.

Waxa kale oo aanu sheegayaa Dawladda Soomaliya in Umadda Jamhuuriyada Soomaaliland ay kujirto Qorshaha kasoo kabashada Abaaraha lana ururiyey lacag dhan 3281,940.55, Qorshuhuna yahay in la ururiyo lacag dhan 6 milyan oo Dollar, lana filayo sida hawshaasi usocoto in ay lacagtaasi ka badato.

Waxa kale oo aanu Umadda Jamhuuriyada Somaliland ugu baaqaynaa inay ka dhiidhiiyaan Quudhsiga Soomaaliya wado oo ficil ahaan u bedelaan inay ururiyaan lacagtaas balaadhan oo ay aduun weynaha iyo Soomaaliyaba tusaan inaynu  nahay Umadd isu damqata oo isku tashada cid ama gobol Soomaaliland ah oo aqbali karaana majiro lacagtaas Soomaaliya.

Waxaa kale oo la isla qaatay in golaha wasiirada, wasiir walbi uu bixiyo lacag dhan 500$, sidoo kale  Agaasimayaasha guudna ay bixiyaan lacag dhan 200$ .

Waxaa kale oo madaxweyne ku xigeenka Putland sheegay in ay Putland iyo Soomaliland  heshiiska DP WORLD dawladda Soomaaliya u saxeexday, waxa kale oo uu ku daray in dawladda Somaaliland ka baqayso dadkeeda oo aanay u sheegi karayn. Waxaan leeyahay Dawladda Soomaaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Maxamed Silaanyo  waa dawlad dadku doortay waxa ka dhaxeeyaana yahay in run lagu wada shaqeeyo, Soomaaliya madaxweyneheedu umuu cawdeen dawladda Imaaraadka Carabta  hadii uu saxeexay heshiiskaasi. Heshiiska waxa lagu saxeexay fagaare waxaana wadankan u saxeexay wasiirka arrimaha debada Dr. Sacad Cali shire, ayaa saxeexay arrinkaas DP WORLD iyo saldhigaba .

Hadii ay saxeexeen maxay u iman waayeen markii lagu wareejinayay DP WORLD aduunka oo dhan ayaa wax ka qoray, waar haday awoodaa leeyihiin iyaga ayaa ka talin lahaa ee iskamay fadhiyeen. Waxa shalay qabsoomay shir ay Saxaafadda iyo dawladu ay wada galeen oo lagaga wada hadlay arrimo dhawr ah.

Shirkaas midhadhalkiisuna waxa uu dhalay in madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliland Axmed Maxamed Silaanyo cafis u fidiyay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ahaa weriye maxkamada gobolka maroodi-jeex denbi Qaran ku xukuntay kaas oo ahaa 2 sanno oo xadhig ah, isagoo tixgalinaya madaxweynuhu weydiintii ay weydiisteen eheladii iyo madax dhaqameed badan ayuu maanta madaxweynuhu u fidiyay cafis madaxweyne, weriyahaasi.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com