Ingiriisku wuxu maanta bilaabayaa geedi-socodka uu kaga baxayo Midowga Yurub, maxay yihiin qodobbada ugu adag wada-xaajoodku?

 

Haweenayda Ra’iisal-Wasaaraha ka ah dalka Ingiriiska Theresa May ayaa Arbacadan maanta ah si rasmi ah u bilaabaysa geedi-socodka uu Ingiriisku kaga baxayo Midowga Yurub kaas oo socon doona muddo laba sano ah.

Gelinkii dambe ee Salaasadii waxa la baahiyey Theresa May oo saxeexaysa warqad ay ku codsanayso in Ingiriisku kaga baxayo Midowga Yurub hannaan waafaqsan qodobka 50aad ee Dastuurka Midowga Yurub.

Warqadda waxa gacanta laga galin doonaa Madaxweynaha Midowga Yurub |Donald Tusk, waxaana u gudbin doona Safiirka Ingiriiska u fadhiya Brussels saacadda Afrikada Bari marka ay tahay 2.30pm.

Dadweynaha Ingiriiska ayaa bishii June ee ina dhaaftay 52% ay u codeeyeen in ay ka hayaamaan midowga Yurub halka 48% ay doonayeen in ay ku negaadaan Midowga Yurub.

Scotland iyo Waqooyiga Ireland waxay si weyn ugu codeeyeen in ay Midowga Yurub ka sii mid ahaadaan, halka England iyo Wales oo ah gobollada ugu dadka badani ay u codeeyeen in ay ka baxaan Midowga Yurub.

Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan ka bixista Yurub David Davis ayaa sheegay in Ingiriisku galayo wada-xaajoodkii ugu muhiimsanaa oo saamayntu socon doonto ilaa jiilasha soo socda.

Sidaas Ingiriisku wuxu ku waawayaa suuqa midaysan ee Yurub wuxuse awood u yeelanayaa in uu xuduudihiisa maamulo shuruucdiisana xor u ahaado.

Baarlamaanka Ingiriiska ayaa horraantii bishan ansixiyey in Ingiriisku meel-mariyo qodobka 50aad ee Dastuurka Midowga Yurub kadib markii ay dood kululi ka socotay aqalkaas muddo lix toddobaad ah, waana ta u suurtogalisay Theresa May in ay bilawdo ka bixidda Midowga Yurub.

Jawaabta ugu horraysa ee Midowga Yurub waxa la filayaa in Ingiriisku helo Jimcaha, kadibna waxa lagu falanqayn doonaa shirka Midowga Yurub ee dhici doona 29 April intaa wixii ka dambeeya ayuu wada-xaajoodku bilaabmi doonaa.

Arrimaha ugu muhiimsan ee laga wada hadlayo waxa ka mid ah waxa uu noqonayo mustaqbalka 3 milyan oo reer Yurub ah oo Ingiriiska ku nool iyo hal milyan oo shaqaale caalami ah oo Ingiriis ah oo ku nool waddamada Midowga Yurub. Sidoo kale waxa laga wada xaajoonayaa lacagta ku waajibtay xukuumadda Ingiriiska oo qaddarkeedu dhan yahay  inta u dhaxaysa 59 bilyan iyo 65 bilyan.

Ganacsatada Ingiriiska ayaa si xun uga walaacsan in ay luminayaa suuq ka kooban 500 oo milyan oo qof oo dhaqaalahoodu wanaagsan yahay, kaas oo hadda wixii ka dambeeya uga shaqaysan doono sida waddamada ajaanibta ah ee ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Hindiya, kuwaas oo suuqan kala kulma caqabado adag oo dhinaca cashuurta iyo isku-gudbinta alaabaha ah.

Hase ahaatee xukuumadda Ingiriiska ayaa ku talo jirta in ay wada-xaajoodka uga faa’iidaysato sidii loogu oggolaan lahaa in ganacsatadeedu galaangal u yeeshaan qaybo ka mid ah suuqan.

Dhanka kale xukuumadda Scotland oo ah is-maamul-hoosaad ku hoos jira Ingiriiska ayaa abaabulaya afti labaad oo ay dalkiisu kaga baxayaan Ingiriiska maadaama dadweynaha Scotland aqlabiyadoodu ay doonayaan Midowga Yurub.

Il-Wareed: Wakaalada Caalamiga ah ee Wararka

Bandhige@gmail.com