Madaxweyne Trump marwadiisa meel lama seexdo

 

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo marwadiisa Melania Trump iska daa in ay sariir wada seexdaane qol ma wada seexdaan. Sidaa waxa qoray wargeyska caalamiga ah ee The Independent ee ka soo baxa cariga Ingiriiska.

Markii ay dadku ogaadeen in madaxweynaha iyo marwadiisu aanay meel wada seexan waxa bilaabmay doodo xiiso leh oo la xidhiidha sababta ay lammaanahan dunida ugu caansani qol u wada seexan waayeen. Waxaana si weyn loo aaminsan yahay in Melenia ay tahay qofka go’aamiyey in aanay labadoodu meel wada seexan, taas oo muujinaysaa in ay danaynayso in ay ka durugto odaygeeda madaxweynaha ka ah dalka ugu awoodda badan adduunka.

Melenia haatan kuma noola Aqalka Cad, waxay ku nooshahay New York sababta ay sidaas u yeeshayna waa wiilkeeda Barron oo dugsiga sare halkaa ka dhigta, waxaanay sugaysaa inta uu waxbarshada dhammaysanayo.

Hase ahaatee, sida muuqata, marka ay Melenia Aqalka Cad timaad iyada iyo xaajigeedu waxay seexdaan laba qol oo kala duwan. Hawlwadeen Aqalka Cad ka shaqeeya ayaa sidaa u sheegay wargeyska US Weekly.

Haddii warkani uu dhab yahay, kama dhigna in ay tahay arrin xun. Madeleine Mason oo ah khabiir ku takhasustay xidhiidhka lammaanaha ayaa Wargeysa The Independent u sheegtay sidan:

“Lammaanaha oo laba sariirood oo kala duwan seexdaa maaha arrin xun, sida dhabta ah waaba arrin ay khuburadu ku taliyaan!

Haddii ay lammaanuhu iyagu isla gartaa in ay laba meelood oo kala duwan seexdaan, maaha arrin looga werwerayo in ay xidhiidhkooda xumayso. Haddiise midkood aanu raali ka ahayn arrinta isla markaana uu cabudhsan yahay oo aanu ka hadli karayn, waxay noqonaysaa bilawga dhammaadka guurka lammaanahaas.”

Daraasadalaha la sameeyey waxay muujinayaa in haddii lammaanuhu ay meel wada seexdaan ay kor u kacdo khatarta caafimaad ee la xidhiidha qulubka, wadne-xanuunka iyo faaligga.

Dhanka kale, lammaanuhu in ay laba qol oo kala duwan seexdaan ma sheegayso in aanay galmo samayn. Waxa laga yaabaa in ay samaynayaan galmo ku filan kadibna ay “habeen wanaagsan” isku macasalaameeyaan oo ay qolalkoodii kala tagaan.

Qofna ma jecla in uu meel la seexdo qof khuuro weyn ama hurdo-xumo leh, lammaaneyaal badan ayaa qirta in ay jeclaan lahaayeen in ay laba qol oo kala duwan seexdaan haddii ay awoodi karayaan.

Haddii sida la isla dhex marayo ay Melania tahay qofka go’aankan gaadhay, waa go’aan macno ku fadhiya. Sababtoo ah daraasadda la yidhaa “Sleep and Biological Rhythms” macnaheeduna yahay “Hurdada iyo Sida Jidhku u Shaqeeyo” ee soo baxday  2007dii ayaa lagu ogaaday in ay dumarka u wanaagsan tahay in ay gaar uga seexdaan raggooda halka ay ragga u wanaagsan tahay in ay xaaskooda la seexdaan.

Il-wareed: The Independent

Tujumaaddii: Bahda Bandhige

Bandhige@gmail.com