Iscasilaadda lama-filaanka ah ee Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya iyo saamaynta siyaasadeed ee ay yeelan karto

Iscasilaaddii maanta ee Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya Xayle-Mariyam Deseleign ayaa ka dhalatay sannado badan oo ay dalkaas kacdoono ka wadeen qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada, khaasatana qowmiyadda Oromada oo si gaar ah u kacsanayd.

Mudaharaaddada ka jiray deegaannada Oromada waxay sababeen dhimashada boqolaal qof iyo xabsiga kumanaan qof, walow bilihii ugu dambeeyey xabsiga laga sii daayey dad badan oo Oromo ah.

Xayle-Mariam oo loo arkayey nin gacan dabacsan mar haddii uu kursiga banneeyey su’aasha xigtaa waxa weeyi yaa noqon doona Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya.

Nidaamka Itoobiya marka la eego waxa jagadaa buuxin kara oo kali ah qof ka tirsan xisbul-xaakimka. Rag dhawr ah ayaa la hadal hayaa waxaase hadda ugu cadcad Wasiirka Arrimaha Dibedda Workeneh Gebeyehu oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada.

Qowmiyadda Tigreega oo 6% ka ah tirada guud ee dadka Itoobiya ayaa ah qowmiyadda ugu awoodda badan dalkaas oo soo maamulaysay laga soo bilaabo 199kii markii ay dagaal kursiga kaga tuureen Mengistu Xayle Mariayam.

Su’aasha muhiimka ah ee la is weydiinayaa waxay tahay haddii Oromadu ay saami u hesho ra’iisal-wasaarenimada, kursigaas oo qof Oromo ahi aanu hore ugu fadhiisan, maxaa lagu qancin karaa Amxaarada.

Berito oo Jimce ah ayaa la filayaa in baarlamaanka Itoobiya fadhiisto isla markaana doorto Ra’iisal-Wasaare cusub. Go’aankaasi marka uu dhaco kadib ayaa ay soo bixi doontaa in Itoobiya dhinaca nabadda iyo xasiloonida u jihaysatay iyo in ay dhinaca xasillooni-darrada u shiraacatay.

Bandhige@gmail.com