Waxa maanta Hargeysa lagu qabtay tartanka Orodka dheer oo 42 kiiloo mitir

 

Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxa maanta lagu qabtay tantanka orodka dheer ee 42km iyo 10KM (Somaliland International Marathon) kaasi oo ay ka qayb-qaateen 205 orodyahan kuwaasi oo 21 kamid ah ay ahaayeen ajaanib.

Kaalinta koowaad waxa galay tartanka orodka 42KM orodyan u dhashay dalka ingiriiska, halka orodka 10 KM uu galay uu kaalinta koowaad galay Siciid Farxaan Cumar oo reer Hargeysa ah.

Tartankan oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa gaar ahaan garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium ayaa waxa kasoo qayb-galay madaxda wasaaradda ciyaaraha Somaliland oo iyagu soo qaban-qaabiyay tartankan iyo masuuliyiiin kale oo ka socotay xukuumadda Somaliland.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

bandhige@gmail.com