ISIS oo baacsanaysa hablo Ingiriis ah oo ka baxsaday

Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska ayaa sheegay in uu baadhayo warar sheegaya in saddex gabdhood oo arday ah oo Ingiriis ahi ka baxsadeen Khilaafada Islaamiga ah ee ka dagaalanta Ciraaq (ISIS).

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la weydiiyey in gabdhahan loo ogolaan doono in ay Ingiriiska ku soo noqdaan iyo in kale way ka gaabsatay in uu jawaab ka bixiyo.

Qoraa Ciraaqi ah oo internet-ka wax ku qoray ayaa 5tii bishan sheegay in kooxda ISIS ay baadhayeen baraha kantaroolada oo dhan si ay u qabtaan gabdhahan Ingiriiska ah oo loo guuriyey mitidiin u dagaalama ISIS.

Warar la isla dhex marayo ayaa sheegaya in gabadhahani ay sannadkan horaantiisii ka baxsadeen dugsi Landhan ku yaal oo gabdhuhu wax ku bartaan.

Kadiza Sultana, Amira Abase iyo Shamima Begum ayaa kamaradaha gidaarada lagu dhajiyo ee loo yaqaan CCTV ay duubeen iyagoo jooga Turkiyga 18kii February.

Gabdhahan waxa muuqooda la waayey maalin ay qoyskooda u sheegeen in ay mijobaxsi u baxayaan waxana la sheegay in ay qoysaskooda ka xadeen dahab kadibna nooli ka dhigteen.

Wasiirka Gudaha ee Ingiriiska Theresa May oo telefishanka ITV uu waydiiyey sida loola dhaqmi doono kuwa doonaya in ay dagaalkan ka soo baxaan oo Ingiriiska ku soo noqdaan waxay tidhi qof walba si gaar ah ayaa xaaladdiisa loola dhaqmi doonaa kadibna go’aan baa laga gaadhi doonaa.

Marwo May waxay sheegtay dadkii Ingiriiska ahaa ee u dagaalamayey ISIS in ay go’aansadeen in ay dalkooda ku soo noqdaa kadib markii nolosha meeshaas ka jirtaa noqon wayday sidii ay markii hore suuraysanayeen.

 Il-wareed: Sky News

bandhige@gmail.com