Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya wuxu si arxan-daran u khaarajiyey 5 ka mid ah hoggaankii la soo shaqeeyey aabihii

Madaxweyne Kim Jong-Un wuxu si xun u khaarajiyeyย shan ka mid ah raggii barbar taagnaa aabihii maalintii la aasayey afar sanno ka hor.

Madaxda magacyadoodu kala yihiin Jang Song-thaek, Kim Ki Nam, Choe Tae-bok, Ri Yong-Ho, Kim Yong-chun, Kim Jong-gak iyoย U Dong-chuk, waxay ahaayeen ruug-caddaagii hoggaaminayey Kacaankaย Koonfur Kuuriya. Laba ka mid ah ayuun baa hadda la og yahay in ay ka sii nool yihiin. Iyagana laftoodana lamaย saadaalin karo in uuย dhegta dhiigga u dari doono iyo in kale.

Kali-taliyahani sida la sheegay wuxu hore toogasho uguย dilay Madaxweyne-Xigeenkii hore ee dalka Jang Song Thaek oo ahaa adeerkii ay u dhaxday eddadii, kadib markii lagu eedeeyey musuqmaasuq iyo tumasho. Waxa kale oo ย sida la sheegay uu laayeyย 11 sarkaal ooย daacad u ahaa adeerkii Jung. Waxa ka mid ahaa Wasiir-Xigeenkii Gaashaandhigga.

Saddex kale oo ka mid ah Golaha Sare ee Kacaanka ย ayuu sidoo kale u dhammeeyey iyadoo mid ahaantood aan ilaa hadda la ogayn si loo dilay iyo meel uu ku dambeeyey.

Dunidu waxay ka argagaxday qaabka Wasiirka Gaashaandhigga loo dilay. ย Waxa loo adeegsaday laguna jarjaray hilibkiisa qori lidka diyaaradaha ah iyadoo ay daawanayeen boqolaal saraakiil milatari ah oo dhiig-daadin u haraadan.

Sababta dilka Wasiirka ayaa lagu sheegay in uuย gamโ€™ay mar uu Madaxweynuhu khudbad jeedinayey isla markaana uu marar kale hadal ku soo celiyey Madaxweynaha.

Raggan uu kurka ka guray waxay ahaayeen nimankii isaga (Kim Jong-Un) ku tababaray shaqada una layliyey hoggaanka qaranka markii xilka loo dhaariyey 2011 kadib geeridii aabihiin.

Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya sida muuqata wuxu goostay in uu meesha ka saaro hoggaamiyeyaashii ruug-caddaaga ahaa ee u sarreeyey Kacaanka Koonfur Kuuriya, wuxuna sida la sheegay danaynayaa in uu isku wareejiyo jiil cusub oo uu kalsooni ku qabo.

 

Il-wareed: Daily Mail

bandhige@gmail.com