ISIS waxay 1.5 bilyan oo Doollar ka sameeyeen biliqaysiga bangiyada iyo iibinta shidaalka

Kooxda macangagga ah ee ISIS ayaa lagu soo waramayaa in ay isku keeneen lacag qadarkeedu yahay 1.5 bilyan oo Doollarka Maraykanka ah. Sida laga soo xigtay sirdoonka Maraykanka, lacagtan ISIS waxay ka tabcadeen bangiyo ay bililiqaysteen iyo sayliid ama shidaal ay iibiyeen.

Adam Szubin oo ah sarkaal ka tirsan xukuumadda Maraykanka ayaa sheegay in xukuumadda Ciraaq iyo Maraykanku ay iska kaashanayaan sidii ay ISIS uga maanici lahaayeen dhaqaale hor leh oo ay u adeegsadaan hawl-galladooda.

Sannadkan aynu ku jirno oo kaliya Maraykanku wuxu xisaabaadkii ay bangiyada dunida ku lahaayeen ka xayiray 30 maal-qabeen oo lala xidhiidhiyey in ay maalgeliyaan hawllada ISIS ay ka fuliso dunida.

ISIS waxay lacagta soo gasha u adeegsataa in ay ku bixiso mushaharka kuwa u dagagalama, in ay hub ku soo iibsadaan iyo in ay adeegyo aasaasi ah ugu fidiyaan dadka deggan meelaha ay ka taliyaan.

Khamiistii shalay wuxu Maraykanku gantaal la haleelay Abu Salah oo ahaa Wasiirkii Maaliyadda ee ISIS. Abu Saalax wuxu ahaa halbawlaha dhaqaale ururinta ee ISIS, horena wuxu ula soo shaqeeyey Al-Qaacida.

Dilka Abu Saalax ayaa Maraykanku sheegeen in uu hoos u dhigi doono dhaqaalaha ay kooxdan hanato.