Isku-aadka wareegga koowaad ee ciyaaraha gobollada oo la soo saaray

Wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ayaa shaacisay jadwalka ciyaaraha is-reeb-reebka tartanka gobollada oo ku kala qabsoomi doona Burco iyo Boorama.

Group A oo ah “kooxda dhimasada” tartan ciyaaraha gobollada waxa ku wada jira gobollada Maroodi-jeex, Hawd, Awdal iyo Buuhoodle.

Group B-na waxa ku wada jira gobollada Gabiley, Salel iyo Saaxil.

Labadan group ayaa waxay ku wareega koowada kuwada ciyaari doonaan Borama, ka dibna waxay wareegga labaad lagu qaban doonaa Hargeysa.

Sidoo kale Gobollada ku ciyaari Burco ayaa waxay isku beegmeen sidan:
Group A: Togdheer, Daadmadheedh, Xaysimo iyo Badhan
Group B: Sool, Sanaag iyo Saraar

Tartanka ciyaaraha oo maanta lagu waddo in ay ka furmaan Burco iyo Boorama ayaa waxa maanta Boorama iskaga hor iman Gobollada Awdal iyo Hawd.

Sidoo kale waxa maanta Burco iskaga hor iman doona ciyaarta furitaanka Gobollada Togdheer iyo Daadmadheedh.

bandhige@gmail.com