Gudoomiyaha Gollaha Guurtidu waxa uu ka hadlay loollanka musharaxiinta xisbiga Kulmiye

Guddoomiyaha Gollaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalku maraayo iyo biyo yaraan laga Soo sheegayo deegaanada qaar, sidoo kale waxaana uu baaq nabadeed u diray Beelaha ku dagaalamaya Deegaanka Qorilay isaga oo ugu baaqay in ay nabada ilaaliyaan.

Sidoo kale Guddoomiyhuh waxa uu ka hadlay loolanka adag ee ka taagan musharax-nimada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, waxaanu sheegay in shirka Gollaha Dhex lagu kala Calaf qaadi doono, Guddoomiyaha oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi:

“Alxamdulilah waddanku Wuu wanaagsan yahay waana wax ilaahay loogu mahadiyo, roobab yar yar ayaa la soo sheegayaa laakiin waa bilaw hadda, waanay inoo di’i doonaan insha alah, wax dhibaato ah oo dalka jiraa ma jirto, olaada Ka taagan Bdrigana waxaan odhan lahaa ilaahay ha qaboojiyo oo nabad haynu ka wadda shaqayno dhammaanteen sidii la iskugu soo dhawayn lahaa beelaha wada daga ee xurguftu dhex martay.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataana waxa uu intaasi ku daray:

”Run ahaantii anigu Golaha dhexe ee Kulmiyena ma ihi hase yeeshee waxaan isleeyahay wanaag uun bay ku dhammaan musharaxna way iska soo dooran doonaan, hadii ilaahay idmo.”

Guddoomiyuhu mar uu ka hadlaayey nimanka loolanka adag ugu jira inay mar uun qabtaan hoggaanka xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu yidhi:

“Horta loolanku waa xaq qofna looma diidana sidaa ayuunba ninka saxda ah ee xisbiga hoggaaminaya lagu helaa shakhsiyan mana diidani anigu in ay loolamaan Iyagu, ugu dambeyntana nin uunbaa Ka soo dhex bixi Kaasina waanu ugu ducayn doonaa.“

Mar ay saxaafadu wax ka waydiisay arrinta wareejinta haamaha keydka shidaalka Berbera, waxa uu ku jawaabay:

“Waxba arrintaas ka odhan maayo adeer waxa ay u talaa xukuumadda Iyada ayaana ku shuqul leh, iyada waydiiya.”

bandhige@gmail.com