Ismaaciil Hurre Buubaa waxa uu qiray in uu ka mid yahay mus-dambeedka awooda badan ee talada Waddani go’aamiya

 

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliya, haatanna kamid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga WADDANI Ismaaciil Hurre Buubaa oo ay isku deegaan kasoo jeedaan guddoomiyaha xisbiga WADDANI, ayaa markii ugu horraysay shaaca ka qaaday inuu kamid yahay mud-dambeedka go’aamiya talada ugu dambaysa ee uu xisbigaasi ku duulo.

Siyaasi Buubaa oo u warramay Telefishanka BULSHOTV, ayaa qirtay inuu kamid yahay xubnaha kooban ee go’aamiya talada xisbiga, kuwaas oo inta badan dadka xisbigaas naqdiyaa ku sheegaan inay dhammaantooda kasoo wada jeedaan deegaannada uu kasoo jeedo guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro).

Mudane Buubaa oo arrimahaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:

“Ama mus-dambeed ku sheeg ama wax kale ku sheeg oo shaqada la ii igmaday baa ah mid xagga dambe aniga oo fadhiya taladu waxa ay noqonso iyo sida ugu habboon arrimaha loo geli karo ka qayb qaato.”

Ismaaciil Hurre Buubaa dhinaca kale waxa uu ka hadlay doorashooyinka dalka kusoo socda iyo nooca hoggaamiyaha la doonayo inuu Somaliland caynaanka u qabto, kaas oo uu ku tilmaamay inuu noqdo mid xaalladda taagan wax ka qaban kara, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Dalka doorashaa kusoo socota, madaxweynihiina waa nin goostay inaanu dib usoo noqonin, waxana loo baahan yahay beddel wanaagsan oo umaddu halkay marayso wax ka qaban kara, dhibaatooyinka badan ee Somaliland ku xeeranna u babac dhigi kara oo dadweynaha Somaliland isu soo dhaweyn kara, xukun baahsan oo Somaliland oo dhammi ka qayb qaadatayna keeni kara,”

Waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay inay mucaaridku xukuumadda talada haysa shaqadeeda ku ixtiraamaan, isla markaana ay wixii dhaliil ah ee ay hayaan ay talo ahaan uun u siiyaan, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Dawlad baa jirta imika, arrimaha qaarkoodna kolba ciddii xukunka joogta ayaa looga dambeeyaa, annaguna tilmaamis iyo inaanu dhiirrigelino oo aanu u sheegno sidan ay wax u waddo si ka fiican mooyaane gacantayada maanta maamulku kuma jiro,”

Xigasho: Hubaal Media

bandhig@gmail.com