Xukuumadda Israaโiil ayaa bilawday burburinta guryaha Falastiiniyiintu ku leeyihiin meelo ka mid ah Daanta Galbeed. Sida lagu xusay warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay, toddobaadkii ina dhaafay oo kali ah Israaโiil waxay burburisay 10 guri iyadoo qoysaskii guryahan lahaa ay hadda dibad-meer yihiin.
Wadarta guud ee guryaha ay sannadkan Israaโiil burburisay waa 41, iyadoo ay baro kaceen 36 Falastiiniyiin ah oo 11 ka mid ahi carruur yihiin sida ku cad warbixinta Qaramada Midoobay.
Markii u dambeeyey ee gurhahan la burbuiyey waxay ahayd Arbacadii ina dhaaftay, guryahaas oo ku yaallay meesha la yidhaa Khirbet Tana oo waqooyi ka xigta Nablus.
Khilaafka u dhaxeeya Falastiin iyo Israaโiil ayaa in uu sii xumaado mooyee aan marnaba ka sii darayn, iyadoo indhaha duniduna ay haatan ku jeedsadeen Suuriya iyo meelo kale oo colaado ka jiraan. Haatana ma jiraan wax wada xaajood ah oo labada dhinac ka dhaxeeyaa.
Dhibta ugu badani waxay inta badan soo gaadhaa dhinaca Falastiin iyadoo xukuumadda Israa’iil hadba qorsheyaal cusub soo dejisa kuwaas oo xoog lagu meel-marsiiyo marar badan.
Bandhige@gmail.com